At-Takathur( التكاثر)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ أَلهىٰكُمُ التَّكاثُرُ(1)
Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid),(1)
حَتّىٰ زُرتُمُ المَقابِرَ(2)
Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).(2)
كَلّا سَوفَ تَعلَمونَ(3)
Saas ma aha ee waad ogaandoontaan.(3)
ثُمَّ كَلّا سَوفَ تَعلَمونَ(4)
Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa).(4)
كَلّا لَو تَعلَمونَ عِلمَ اليَقينِ(5)
Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta).(5)
لَتَرَوُنَّ الجَحيمَ(6)
Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima,(6)
ثُمَّ لَتَرَوُنَّها عَينَ اليَقينِ(7)
Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.(7)
ثُمَّ لَتُسـَٔلُنَّ يَومَئِذٍ عَنِ النَّعيمِ(8)
Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.(8)