An-Nazi'at( النازعات)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ وَالنّٰزِعٰتِ غَرقًا(1)
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).(1)
وَالنّٰشِطٰتِ نَشطًا(2)
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).(2)
وَالسّٰبِحٰتِ سَبحًا(3)
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).(3)
فَالسّٰبِقٰتِ سَبقًا(4)
Iyo tan u orotanta wanaagga.(4)
فَالمُدَبِّرٰتِ أَمرًا(5)
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).(5)
يَومَ تَرجُفُ الرّاجِفَةُ(6)
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).(6)
تَتبَعُهَا الرّادِفَةُ(7)
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).(7)
قُلوبٌ يَومَئِذٍ واجِفَةٌ(8)
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.(8)
أَبصٰرُها خٰشِعَةٌ(9)
Araggeeduna wuu dullaysnaan.(9)
يَقولونَ أَءِنّا لَمَردودونَ فِى الحافِرَةِ(10)
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).(10)
أَءِذا كُنّا عِظٰمًا نَخِرَةً(11)
Markaan noqonno Lafo duugoobay.(11)
قالوا تِلكَ إِذًا كَرَّةٌ خاسِرَةٌ(12)
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.(12)
فَإِنَّما هِىَ زَجرَةٌ وٰحِدَةٌ(13)
Waa uun Hal Qaylo kaliya.(13)
فَإِذا هُم بِالسّاهِرَةِ(14)
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.(14)
هَل أَتىٰكَ حَديثُ موسىٰ(15)
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.(15)
إِذ نادىٰهُ رَبُّهُ بِالوادِ المُقَدَّسِ طُوًى(16)
Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.(16)
اذهَب إِلىٰ فِرعَونَ إِنَّهُ طَغىٰ(17)
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.(17)
فَقُل هَل لَكَ إِلىٰ أَن تَزَكّىٰ(18)
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.(18)
وَأَهدِيَكَ إِلىٰ رَبِّكَ فَتَخشىٰ(19)
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.(19)
فَأَرىٰهُ الءايَةَ الكُبرىٰ(20)
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.(20)
فَكَذَّبَ وَعَصىٰ(21)
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).(21)
ثُمَّ أَدبَرَ يَسعىٰ(22)
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.(22)
فَحَشَرَ فَنادىٰ(23)
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.(23)
فَقالَ أَنا۠ رَبُّكُمُ الأَعلىٰ(24)
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.(24)
فَأَخَذَهُ اللَّهُ نَكالَ الءاخِرَةِ وَالأولىٰ(25)
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.(25)
إِنَّ فى ذٰلِكَ لَعِبرَةً لِمَن يَخشىٰ(26)
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.(26)
ءَأَنتُم أَشَدُّ خَلقًا أَمِ السَّماءُ ۚ بَنىٰها(27)
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.(27)
رَفَعَ سَمكَها فَسَوّىٰها(28)
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.(28)
وَأَغطَشَ لَيلَها وَأَخرَجَ ضُحىٰها(29)
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).(29)
وَالأَرضَ بَعدَ ذٰلِكَ دَحىٰها(30)
Dhulkana markaas ka dib fidiyay.(30)
أَخرَجَ مِنها ماءَها وَمَرعىٰها(31)
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.(31)
وَالجِبالَ أَرسىٰها(32)
Buurahana sugay.(32)
مَتٰعًا لَكُم وَلِأَنعٰمِكُم(33)
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.(33)
فَإِذا جاءَتِ الطّامَّةُ الكُبرىٰ(34)
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).(34)
يَومَ يَتَذَكَّرُ الإِنسٰنُ ما سَعىٰ(35)
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.(35)
وَبُرِّزَتِ الجَحيمُ لِمَن يَرىٰ(36)
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.(36)
فَأَمّا مَن طَغىٰ(37)
Ruuxiise xadgudba.(37)
وَءاثَرَ الحَيوٰةَ الدُّنيا(38)
Nolosha Adduunyana doorta.(38)
فَإِنَّ الجَحيمَ هِىَ المَأوىٰ(39)
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.(39)
وَأَمّا مَن خافَ مَقامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفسَ عَنِ الهَوىٰ(40)
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).(40)
فَإِنَّ الجَنَّةَ هِىَ المَأوىٰ(41)
Wuxuu u dheelman Janno.(41)
يَسـَٔلونَكَ عَنِ السّاعَةِ أَيّانَ مُرسىٰها(42)
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.(42)
فيمَ أَنتَ مِن ذِكرىٰها(43)
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.(43)
إِلىٰ رَبِّكَ مُنتَهىٰها(44)
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.(44)
إِنَّما أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخشىٰها(45)
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.(45)
كَأَنَّهُم يَومَ يَرَونَها لَم يَلبَثوا إِلّا عَشِيَّةً أَو ضُحىٰها(46)
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).(46)