An-Nabaa( النبأ)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ عَمَّ يَتَساءَلونَ(1)
Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).(1)
عَنِ النَّبَإِ العَظيمِ(2)
Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).(2)
الَّذى هُم فيهِ مُختَلِفونَ(3)
Ay isku diiddanaayeen.(3)
كَلّا سَيَعلَمونَ(4)
Saas ma aha ee way ogaan donaan.(4)
ثُمَّ كَلّا سَيَعلَمونَ(5)
Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).(5)
أَلَم نَجعَلِ الأَرضَ مِهٰدًا(6)
Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.(6)
وَالجِبالَ أَوتادًا(7)
Buurahana Rukummo (ka yeelin).(7)
وَخَلَقنٰكُم أَزوٰجًا(8)
Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.(8)
وَجَعَلنا نَومَكُم سُباتًا(9)
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.(9)
وَجَعَلنَا الَّيلَ لِباسًا(10)
Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.(10)
وَجَعَلنَا النَّهارَ مَعاشًا(11)
Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.(11)
وَبَنَينا فَوقَكُم سَبعًا شِدادًا(12)
Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.(12)
وَجَعَلنا سِراجًا وَهّاجًا(13)
Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).(13)
وَأَنزَلنا مِنَ المُعصِرٰتِ ماءً ثَجّاجًا(14)
Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.(14)
لِنُخرِجَ بِهِ حَبًّا وَنَباتًا(15)
Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.(15)
وَجَنّٰتٍ أَلفافًا(16)
Iyo Beero kulansan (badan).(16)
إِنَّ يَومَ الفَصلِ كانَ ميقٰتًا(17)
Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.(17)
يَومَ يُنفَخُ فِى الصّورِ فَتَأتونَ أَفواجًا(18)
Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.(18)
وَفُتِحَتِ السَّماءُ فَكانَت أَبوٰبًا(19)
Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.(19)
وَسُيِّرَتِ الجِبالُ فَكانَت سَرابًا(20)
Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.(20)
إِنَّ جَهَنَّمَ كانَت مِرصادًا(21)
Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.(21)
لِلطّٰغينَ مَـٔابًا(22)
(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.(22)
لٰبِثينَ فيها أَحقابًا(23)
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.(23)
لا يَذوقونَ فيها بَردًا وَلا شَرابًا(24)
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.(24)
إِلّا حَميمًا وَغَسّاقًا(25)
Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).(25)
جَزاءً وِفاقًا(26)
Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.(26)
إِنَّهُم كانوا لا يَرجونَ حِسابًا(27)
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.(27)
وَكَذَّبوا بِـٔايٰتِنا كِذّابًا(28)
Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.(28)
وَكُلَّ شَيءٍ أَحصَينٰهُ كِتٰبًا(29)
Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.(29)
فَذوقوا فَلَن نَزيدَكُم إِلّا عَذابًا(30)
Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.(30)
إِنَّ لِلمُتَّقينَ مَفازًا(31)
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.(31)
حَدائِقَ وَأَعنٰبًا(32)
Beero iyo Cinabyana way heli.(32)
وَكَواعِبَ أَترابًا(33)
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.(33)
وَكَأسًا دِهاقًا(34)
Waxayna heli Cabbid wanaagsan.(34)
لا يَسمَعونَ فيها لَغوًا وَلا كِذّٰبًا(35)
Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.(35)
جَزاءً مِن رَبِّكَ عَطاءً حِسابًا(36)
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.(36)
رَبِّ السَّمٰوٰتِ وَالأَرضِ وَما بَينَهُمَا الرَّحمٰنِ ۖ لا يَملِكونَ مِنهُ خِطابًا(37)
Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).(37)
يَومَ يَقومُ الرّوحُ وَالمَلٰئِكَةُ صَفًّا ۖ لا يَتَكَلَّمونَ إِلّا مَن أَذِنَ لَهُ الرَّحمٰنُ وَقالَ صَوابًا(38)
Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.(38)
ذٰلِكَ اليَومُ الحَقُّ ۖ فَمَن شاءَ اتَّخَذَ إِلىٰ رَبِّهِ مَـٔابًا(39)
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.(39)
إِنّا أَنذَرنٰكُم عَذابًا قَريبًا يَومَ يَنظُرُ المَرءُ ما قَدَّمَت يَداهُ وَيَقولُ الكافِرُ يٰلَيتَنى كُنتُ تُرٰبًا(40)
Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.(40)