Al-Waqi'a( الواقعة)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ إِذا وَقَعَتِ الواقِعَةُ(1)
Markay Qiyaamadu dhacdo.(1)
لَيسَ لِوَقعَتِها كاذِبَةٌ(2)
Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).(2)
خافِضَةٌ رافِعَةٌ(3)
Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.(3)
إِذا رُجَّتِ الأَرضُ رَجًّا(4)
Marka la gilgilo Dhulka gilgilid.(4)
وَبُسَّتِ الجِبالُ بَسًّا(5)
Buurahana la riqdo.(5)
فَكانَت هَباءً مُنبَثًّا(6)
Oy noqoto boodh Firdhisan.(6)
وَكُنتُم أَزوٰجًا ثَلٰثَةً(7)
Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).(7)
فَأَصحٰبُ المَيمَنَةِ ما أَصحٰبُ المَيمَنَةِ(8)
Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.(8)
وَأَصحٰبُ المَشـَٔمَةِ ما أَصحٰبُ المَشـَٔمَةِ(9)
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.(9)
وَالسّٰبِقونَ السّٰبِقونَ(10)
Iyo kuwii aad u hormaray.(10)
أُولٰئِكَ المُقَرَّبونَ(11)
Waa kuwa Eebe dhaweeyay.(11)
فى جَنّٰتِ النَّعيمِ(12)
Waxayna gali Jannooyin Nicma leh.(12)
ثُلَّةٌ مِنَ الأَوَّلينَ(13)
Waana Koox ka mid ah kuwii hore.(13)
وَقَليلٌ مِنَ الءاخِرينَ(14)
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.(14)
عَلىٰ سُرُرٍ مَوضونَةٍ(15)
Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.(15)
مُتَّكِـٔينَ عَلَيها مُتَقٰبِلينَ(16)
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.(16)
يَطوفُ عَلَيهِم وِلدٰنٌ مُخَلَّدونَ(17)
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.(17)
بِأَكوابٍ وَأَباريقَ وَكَأسٍ مِن مَعينٍ(18)
Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.(18)
لا يُصَدَّعونَ عَنها وَلا يُنزِفونَ(19)
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.(19)
وَفٰكِهَةٍ مِمّا يَتَخَيَّرونَ(20)
Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.(20)
وَلَحمِ طَيرٍ مِمّا يَشتَهونَ(21)
Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.(21)
وَحورٌ عينٌ(22)
Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.(22)
كَأَمثٰلِ اللُّؤلُؤِ المَكنونِ(23)
Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.(23)
جَزاءً بِما كانوا يَعمَلونَ(24)
Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).(24)
لا يَسمَعونَ فيها لَغوًا وَلا تَأثيمًا(25)
Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.(25)
إِلّا قيلًا سَلٰمًا سَلٰمًا(26)
Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).(26)
وَأَصحٰبُ اليَمينِ ما أَصحٰبُ اليَمينِ(27)
Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.(27)
فى سِدرٍ مَخضودٍ(28)
Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.(28)
وَطَلحٍ مَنضودٍ(29)
Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.(29)
وَظِلٍّ مَمدودٍ(30)
Iyo Hoos joogta ah.(30)
وَماءٍ مَسكوبٍ(31)
Iyo Biyo socda (goor walba).(31)
وَفٰكِهَةٍ كَثيرَةٍ(32)
Iyo Faakiha badan.(32)
لا مَقطوعَةٍ وَلا مَمنوعَةٍ(33)
Oon la goynaynin lana reebaynin.(33)
وَفُرُشٍ مَرفوعَةٍ(34)
Iyo Gogol la koryeelay.(34)
إِنّا أَنشَأنٰهُنَّ إِنشاءً(35)
Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).(35)
فَجَعَلنٰهُنَّ أَبكارًا(36)
Kana dhigi kuwa aan la taaban.(36)
عُرُبًا أَترابًا(37)
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.(37)
لِأَصحٰبِ اليَمينِ(38)
Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).(38)
ثُلَّةٌ مِنَ الأَوَّلينَ(39)
Waana Koox kuwii hore ka mid ah.(39)
وَثُلَّةٌ مِنَ الءاخِرينَ(40)
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.(40)
وَأَصحٰبُ الشِّمالِ ما أَصحٰبُ الشِّمالِ(41)
Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.(41)
فى سَمومٍ وَحَميمٍ(42)
Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.(42)
وَظِلٍّ مِن يَحمومٍ(43)
Iyo hoos madow oo wax guba.(43)
لا بارِدٍ وَلا كَريمٍ(44)
Aan qaboobayn aragna fiicnayn.(44)
إِنَّهُم كانوا قَبلَ ذٰلِكَ مُترَفينَ(45)
Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).(45)
وَكانوا يُصِرّونَ عَلَى الحِنثِ العَظيمِ(46)
Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn.(46)
وَكانوا يَقولونَ أَئِذا مِتنا وَكُنّا تُرابًا وَعِظٰمًا أَءِنّا لَمَبعوثونَ(47)
Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.(47)
أَوَءاباؤُنَا الأَوَّلونَ(48)
Ama Aabayaalkannagii horeeyay.(48)
قُل إِنَّ الأَوَّلينَ وَالءاخِرينَ(49)
Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.(49)
لَمَجموعونَ إِلىٰ ميقٰتِ يَومٍ مَعلومٍ(50)
Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).(50)
ثُمَّ إِنَّكُم أَيُّهَا الضّالّونَ المُكَذِّبونَ(51)
Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.(51)
لَءاكِلونَ مِن شَجَرٍ مِن زَقّومٍ(52)
Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun.(52)
فَمالِـٔونَ مِنهَا البُطونَ(53)
Aad kana buuxinaysaan Caloosha.(53)
فَشٰرِبونَ عَلَيهِ مِنَ الحَميمِ(54)
Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.(54)
فَشٰرِبونَ شُربَ الهيمِ(55)
Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.(55)
هٰذا نُزُلُهُم يَومَ الدّينِ(56)
Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).(56)
نَحنُ خَلَقنٰكُم فَلَولا تُصَدِّقونَ(57)
(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).(57)
أَفَرَءَيتُم ما تُمنونَ(58)
Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».(58)
ءَأَنتُم تَخلُقونَهُ أَم نَحنُ الخٰلِقونَ(59)
Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,(59)
نَحنُ قَدَّرنا بَينَكُمُ المَوتَ وَما نَحنُ بِمَسبوقينَ(60)
Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.(60)
عَلىٰ أَن نُبَدِّلَ أَمثٰلَكُم وَنُنشِئَكُم فى ما لا تَعلَمونَ(61)
Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.(61)
وَلَقَد عَلِمتُمُ النَّشأَةَ الأولىٰ فَلَولا تَذَكَّرونَ(62)
Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.(62)
أَفَرَءَيتُم ما تَحرُثونَ(63)
Ka warrama waxaad beereysaan.(63)
ءَأَنتُم تَزرَعونَهُ أَم نَحنُ الزّٰرِعونَ(64)
Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.(64)
لَو نَشاءُ لَجَعَلنٰهُ حُطٰمًا فَظَلتُم تَفَكَّهونَ(65)
Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).(65)
إِنّا لَمُغرَمونَ(66)
(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.(66)
بَل نَحنُ مَحرومونَ(67)
Mase waa nala hoojiyay.(67)
أَفَرَءَيتُمُ الماءَ الَّذى تَشرَبونَ(68)
Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.(68)
ءَأَنتُم أَنزَلتُموهُ مِنَ المُزنِ أَم نَحنُ المُنزِلونَ(69)
Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.(69)
لَو نَشاءُ جَعَلنٰهُ أُجاجًا فَلَولا تَشكُرونَ(70)
Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).(70)
أَفَرَءَيتُمُ النّارَ الَّتى تورونَ(71)
Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.(71)
ءَأَنتُم أَنشَأتُم شَجَرَتَها أَم نَحنُ المُنشِـٔونَ(72)
Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.(72)
نَحنُ جَعَلنٰها تَذكِرَةً وَمَتٰعًا لِلمُقوينَ(73)
Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).(73)
فَسَبِّح بِاسمِ رَبِّكَ العَظيمِ(74)
Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.(74)
۞ فَلا أُقسِمُ بِمَوٰقِعِ النُّجومِ(75)
(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).(75)
وَإِنَّهُ لَقَسَمٌ لَو تَعلَمونَ عَظيمٌ(76)
Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine.(76)
إِنَّهُ لَقُرءانٌ كَريمٌ(77)
Quraanku waa shay sharaf leh.(77)
فى كِتٰبٍ مَكنونٍ(78)
Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.(78)
لا يَمَسُّهُ إِلَّا المُطَهَّرونَ(79)
Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn.(79)
تَنزيلٌ مِن رَبِّ العٰلَمينَ(80)
Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.(80)
أَفَبِهٰذَا الحَديثِ أَنتُم مُدهِنونَ(81)
Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan.(81)
وَتَجعَلونَ رِزقَكُم أَنَّكُم تُكَذِّبونَ(82)
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).(82)
فَلَولا إِذا بَلَغَتِ الحُلقومَ(83)
Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.(83)
وَأَنتُم حينَئِذٍ تَنظُرونَ(84)
Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).(84)
وَنَحنُ أَقرَبُ إِلَيهِ مِنكُم وَلٰكِن لا تُبصِرونَ(85)
Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.(85)
فَلَولا إِن كُنتُم غَيرَ مَدينينَ(86)
Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.(86)
تَرجِعونَها إِن كُنتُم صٰدِقينَ(87)
Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.(87)
فَأَمّا إِن كانَ مِنَ المُقَرَّبينَ(88)
Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.(88)
فَرَوحٌ وَرَيحانٌ وَجَنَّتُ نَعيمٍ(89)
Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.(89)
وَأَمّا إِن كانَ مِن أَصحٰبِ اليَمينِ(90)
Hadduu yahay kuwa Midigta marina.(90)
فَسَلٰمٌ لَكَ مِن أَصحٰبِ اليَمينِ(91)
Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).(91)
وَأَمّا إِن كانَ مِنَ المُكَذِّبينَ الضّالّينَ(92)
Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.(92)
فَنُزُلٌ مِن حَميمٍ(93)
Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.(93)
وَتَصلِيَةُ جَحيمٍ(94)
Iyo galidda Naarta Jaxiimo.(94)
إِنَّ هٰذا لَهُوَ حَقُّ اليَقينِ(95)
Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.(95)
فَسَبِّح بِاسمِ رَبِّكَ العَظيمِ(96)
Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn.(96)