Al-Qiyamat( القيامة)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ لا أُقسِمُ بِيَومِ القِيٰمَةِ(1)
Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.(1)
وَلا أُقسِمُ بِالنَّفسِ اللَّوّامَةِ(2)
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).(2)
أَيَحسَبُ الإِنسٰنُ أَلَّن نَجمَعَ عِظامَهُ(3)
Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.(3)
بَلىٰ قٰدِرينَ عَلىٰ أَن نُسَوِّىَ بَنانَهُ(4)
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.(4)
بَل يُريدُ الإِنسٰنُ لِيَفجُرَ أَمامَهُ(5)
Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.(5)
يَسـَٔلُ أَيّانَ يَومُ القِيٰمَةِ(6)
Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.(6)
فَإِذا بَرِقَ البَصَرُ(7)
Markase Araggu Wareero (Taagmo).(7)
وَخَسَفَ القَمَرُ(8)
Dayuxuna Madoobaado.(8)
وَجُمِعَ الشَّمسُ وَالقَمَرُ(9)
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.(9)
يَقولُ الإِنسٰنُ يَومَئِذٍ أَينَ المَفَرُّ(10)
Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.(10)
كَلّا لا وَزَرَ(11)
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).(11)
إِلىٰ رَبِّكَ يَومَئِذٍ المُستَقَرُّ(12)
Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.(12)
يُنَبَّؤُا۟ الإِنسٰنُ يَومَئِذٍ بِما قَدَّمَ وَأَخَّرَ(13)
Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.(13)
بَلِ الإِنسٰنُ عَلىٰ نَفسِهِ بَصيرَةٌ(14)
Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.(14)
وَلَو أَلقىٰ مَعاذيرَهُ(15)
Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).(15)
لا تُحَرِّك بِهِ لِسانَكَ لِتَعجَلَ بِهِ(16)
Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).(16)
إِنَّ عَلَينا جَمعَهُ وَقُرءانَهُ(17)
Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.(17)
فَإِذا قَرَأنٰهُ فَاتَّبِع قُرءانَهُ(18)
Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.(18)
ثُمَّ إِنَّ عَلَينا بَيانَهُ(19)
Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.(19)
كَلّا بَل تُحِبّونَ العاجِلَةَ(20)
saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).(20)
وَتَذَرونَ الءاخِرَةَ(21)
Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.(21)
وُجوهٌ يَومَئِذٍ ناضِرَةٌ(22)
Wajiyaal Maalintaas way ifi.(22)
إِلىٰ رَبِّها ناظِرَةٌ(23)
Eebeheedna way Eegi.(23)
وَوُجوهٌ يَومَئِذٍ باسِرَةٌ(24)
Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.(24)
تَظُنُّ أَن يُفعَلَ بِها فاقِرَةٌ(25)
Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.(25)
كَلّا إِذا بَلَغَتِ التَّراقِىَ(26)
Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).(26)
وَقيلَ مَن ۜ راقٍ(27)
Oo la Dhoho uaa ku tufi.(27)
وَظَنَّ أَنَّهُ الفِراقُ(28)
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.(28)
وَالتَفَّتِ السّاقُ بِالسّاقِ(29)
Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).(29)
إِلىٰ رَبِّكَ يَومَئِذٍ المَساقُ(30)
Eebahaa Xaggiisaa la aadi.(30)
فَلا صَدَّقَ وَلا صَلّىٰ(31)
Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.(31)
وَلٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلّىٰ(32)
Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.(32)
ثُمَّ ذَهَبَ إِلىٰ أَهلِهِ يَتَمَطّىٰ(33)
Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.(33)
أَولىٰ لَكَ فَأَولىٰ(34)
Halaag Buuse Mutaa.(34)
ثُمَّ أَولىٰ لَكَ فَأَولىٰ(35)
Haddana Halaagbuu Mutaa.(35)
أَيَحسَبُ الإِنسٰنُ أَن يُترَكَ سُدًى(36)
Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).(36)
أَلَم يَكُ نُطفَةً مِن مَنِىٍّ يُمنىٰ(37)
Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.(37)
ثُمَّ كانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوّىٰ(38)
Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.(38)
فَجَعَلَ مِنهُ الزَّوجَينِ الذَّكَرَ وَالأُنثىٰ(39)
Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.(39)
أَلَيسَ ذٰلِكَ بِقٰدِرٍ عَلىٰ أَن يُحۦِىَ المَوتىٰ(40)
Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.(40)