Al-Qalam( القلم)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ ن ۚ وَالقَلَمِ وَما يَسطُرونَ(1)
Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka).(1)
ما أَنتَ بِنِعمَةِ رَبِّكَ بِمَجنونٍ(2)
Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid.(2)
وَإِنَّ لَكَ لَأَجرًا غَيرَ مَمنونٍ(3)
Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn.(3)
وَإِنَّكَ لَعَلىٰ خُلُقٍ عَظيمٍ(4)
Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.(4)
فَسَتُبصِرُ وَيُبصِرونَ(5)
Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan.(5)
بِأَييِكُمُ المَفتونُ(6)
kinna waalan (ama la caddibo).(6)
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبيلِهِ وَهُوَ أَعلَمُ بِالمُهتَدينَ(7)
Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.(7)
فَلا تُطِعِ المُكَذِّبينَ(8)
Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda).(8)
وَدّوا لَو تُدهِنُ فَيُدهِنونَ(9)
Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.(9)
وَلا تُطِع كُلَّ حَلّافٍ مَهينٍ(10)
Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.(10)
هَمّازٍ مَشّاءٍ بِنَميمٍ(11)
oo Xanlow ah, isku diraa ah.(11)
مَنّاعٍ لِلخَيرِ مُعتَدٍ أَثيمٍ(12)
Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.(12)
عُتُلٍّ بَعدَ ذٰلِكَ زَنيمٍ(13)
Xumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah).(13)
أَن كانَ ذا مالٍ وَبَنينَ(14)
inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).(14)
إِذا تُتلىٰ عَلَيهِ ءايٰتُنا قالَ أَسٰطيرُ الأَوَّلينَ(15)
Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.(15)
سَنَسِمُهُ عَلَى الخُرطومِ(16)
wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.(16)
إِنّا بَلَونٰهُم كَما بَلَونا أَصحٰبَ الجَنَّةِ إِذ أَقسَموا لَيَصرِمُنَّها مُصبِحينَ(17)
Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.(17)
وَلا يَستَثنونَ(18)
Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo.(18)
فَطافَ عَلَيها طائِفٌ مِن رَبِّكَ وَهُم نائِمونَ(19)
Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.(19)
فَأَصبَحَت كَالصَّريمِ(20)
Waxayna noqotay wax la shafay oo kale.(20)
فَتَنادَوا مُصبِحينَ(21)
wayna isu dhawaaqeen Subaxdii.(21)
أَنِ اغدوا عَلىٰ حَرثِكُم إِن كُنتُم صٰرِمينَ(22)
iyagoo leh kallaha oo beerta goosta.(22)
فَانطَلَقوا وَهُم يَتَخٰفَتونَ(23)
wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.(23)
أَن لا يَدخُلَنَّهَا اليَومَ عَلَيكُم مِسكينٌ(24)
inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.(24)
وَغَدَوا عَلىٰ حَردٍ قٰدِرينَ(25)
Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).(25)
فَلَمّا رَأَوها قالوا إِنّا لَضالّونَ(26)
Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.(26)
بَل نَحنُ مَحرومونَ(27)
haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.(27)
قالَ أَوسَطُهُم أَلَم أَقُل لَكُم لَولا تُسَبِّحونَ(28)
Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.(28)
قالوا سُبحٰنَ رَبِّنا إِنّا كُنّا ظٰلِمينَ(29)
Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.(29)
فَأَقبَلَ بَعضُهُم عَلىٰ بَعضٍ يَتَلٰوَمونَ(30)
Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.(30)
قالوا يٰوَيلَنا إِنّا كُنّا طٰغينَ(31)
Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay.(31)
عَسىٰ رَبُّنا أَن يُبدِلَنا خَيرًا مِنها إِنّا إِلىٰ رَبِّنا رٰغِبونَ(32)
Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.(32)
كَذٰلِكَ العَذابُ ۖ وَلَعَذابُ الءاخِرَةِ أَكبَرُ ۚ لَو كانوا يَعلَمونَ(33)
Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.(33)
إِنَّ لِلمُتَّقينَ عِندَ رَبِّهِم جَنّٰتِ النَّعيمِ(34)
Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».(34)
أَفَنَجعَلُ المُسلِمينَ كَالمُجرِمينَ(35)
Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.(35)
ما لَكُم كَيفَ تَحكُمونَ(36)
Seed u dhihi kartaan saas.(36)
أَم لَكُم كِتٰبٌ فيهِ تَدرُسونَ(37)
Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.(37)
إِنَّ لَكُم فيهِ لَما تَخَيَّرونَ(38)
oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.(38)
أَم لَكُم أَيمٰنٌ عَلَينا بٰلِغَةٌ إِلىٰ يَومِ القِيٰمَةِ ۙ إِنَّ لَكُم لَما تَحكُمونَ(39)
Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.(39)
سَلهُم أَيُّهُم بِذٰلِكَ زَعيمٌ(40)
Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.(40)
أَم لَهُم شُرَكاءُ فَليَأتوا بِشُرَكائِهِم إِن كانوا صٰدِقينَ(41)
mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.(41)
يَومَ يُكشَفُ عَن ساقٍ وَيُدعَونَ إِلَى السُّجودِ فَلا يَستَطيعونَ(42)
Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.(42)
خٰشِعَةً أَبصٰرُهُم تَرهَقُهُم ذِلَّةٌ ۖ وَقَد كانوا يُدعَونَ إِلَى السُّجودِ وَهُم سٰلِمونَ(43)
Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.(43)
فَذَرنى وَمَن يُكَذِّبُ بِهٰذَا الحَديثِ ۖ سَنَستَدرِجُهُم مِن حَيثُ لا يَعلَمونَ(44)
Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.(44)
وَأُملى لَهُم ۚ إِنَّ كَيدى مَتينٌ(45)
Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.(45)
أَم تَسـَٔلُهُم أَجرًا فَهُم مِن مَغرَمٍ مُثقَلونَ(46)
Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.(46)
أَم عِندَهُمُ الغَيبُ فَهُم يَكتُبونَ(47)
Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.(47)
فَاصبِر لِحُكمِ رَبِّكَ وَلا تَكُن كَصاحِبِ الحوتِ إِذ نادىٰ وَهُوَ مَكظومٌ(48)
Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.(48)
لَولا أَن تَدٰرَكَهُ نِعمَةٌ مِن رَبِّهِ لَنُبِذَ بِالعَراءِ وَهُوَ مَذمومٌ(49)
Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.(49)
فَاجتَبٰهُ رَبُّهُ فَجَعَلَهُ مِنَ الصّٰلِحينَ(50)
Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.(50)
وَإِن يَكادُ الَّذينَ كَفَروا لَيُزلِقونَكَ بِأَبصٰرِهِم لَمّا سَمِعُوا الذِّكرَ وَيَقولونَ إِنَّهُ لَمَجنونٌ(51)
Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu).(51)
وَما هُوَ إِلّا ذِكرٌ لِلعٰلَمينَ(52)
Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.(52)