Al-Mursalat( المرسلات)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ وَالمُرسَلٰتِ عُرفًا(1)
Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.(1)
فَالعٰصِفٰتِ عَصفًا(2)
iyo Dabaysha sida daran u dhabata.(2)
وَالنّٰشِرٰتِ نَشرًا(3)
Iyo Dabaysha roobka kicisa.(3)
فَالفٰرِقٰتِ فَرقًا(4)
Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.(4)
فَالمُلقِيٰتِ ذِكرًا(5)
iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa.(5)
عُذرًا أَو نُذرًا(6)
Si Dadka loo waaniyo looguna digo.(6)
إِنَّما توعَدونَ لَوٰقِعٌ(7)
Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.(7)
فَإِذَا النُّجومُ طُمِسَت(8)
Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.(8)
وَإِذَا السَّماءُ فُرِجَت(9)
Oo samadu Dildillaacdo.(9)
وَإِذَا الجِبالُ نُسِفَت(10)
Oo Buuraha la Rujiyo.(10)
وَإِذَا الرُّسُلُ أُقِّتَت(11)
Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).(11)
لِأَىِّ يَومٍ أُجِّلَت(12)
Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed.(12)
لِيَومِ الفَصلِ(13)
In dadka la kala Bixiyo Dartiis.(13)
وَما أَدرىٰكَ ما يَومُ الفَصلِ(14)
Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.(14)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(15)
Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.(15)
أَلَم نُهلِكِ الأَوَّلينَ(16)
Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.(16)
ثُمَّ نُتبِعُهُمُ الءاخِرينَ(17)
Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.(17)
كَذٰلِكَ نَفعَلُ بِالمُجرِمينَ(18)
Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.(18)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(19)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.(19)
أَلَم نَخلُقكُم مِن ماءٍ مَهينٍ(20)
Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.(20)
فَجَعَلنٰهُ فى قَرارٍ مَكينٍ(21)
Markaasna yeellay meel ilaashan.(21)
إِلىٰ قَدَرٍ مَعلومٍ(22)
Tan iyo Muddo la yaqaanno.(22)
فَقَدَرنا فَنِعمَ القٰدِرونَ(23)
Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.(23)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(24)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.(24)
أَلَم نَجعَلِ الأَرضَ كِفاتًا(25)
Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.(25)
أَحياءً وَأَموٰتًا(26)
Nolol iyo Geeriba.(26)
وَجَعَلنا فيها رَوٰسِىَ شٰمِخٰتٍ وَأَسقَينٰكُم ماءً فُراتًا(27)
Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.(27)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(28)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.(28)
انطَلِقوا إِلىٰ ما كُنتُم بِهِ تُكَذِّبونَ(29)
Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.(29)
انطَلِقوا إِلىٰ ظِلٍّ ذى ثَلٰثِ شُعَبٍ(30)
Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.(30)
لا ظَليلٍ وَلا يُغنى مِنَ اللَّهَبِ(31)
Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.(31)
إِنَّها تَرمى بِشَرَرٍ كَالقَصرِ(32)
Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.(32)
كَأَنَّهُ جِمٰلَتٌ صُفرٌ(33)
Ama aad Mooddo geel madaw ah.(33)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(34)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.(34)
هٰذا يَومُ لا يَنطِقونَ(35)
Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.(35)
وَلا يُؤذَنُ لَهُم فَيَعتَذِرونَ(36)
Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.(36)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(37)
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.(37)
هٰذا يَومُ الفَصلِ ۖ جَمَعنٰكُم وَالأَوَّلينَ(38)
Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.(38)
فَإِن كانَ لَكُم كَيدٌ فَكيدونِ(39)
Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.(39)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(40)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.(40)
إِنَّ المُتَّقينَ فى ظِلٰلٍ وَعُيونٍ(41)
Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;(41)
وَفَوٰكِهَ مِمّا يَشتَهونَ(42)
(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.(42)
كُلوا وَاشرَبوا هَنيـًٔا بِما كُنتُم تَعمَلونَ(43)
Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.(43)
إِنّا كَذٰلِكَ نَجزِى المُحسِنينَ(44)
Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.(44)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(45)
Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.(45)
كُلوا وَتَمَتَّعوا قَليلًا إِنَّكُم مُجرِمونَ(46)
(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;(46)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(47)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.(47)
وَإِذا قيلَ لَهُمُ اركَعوا لا يَركَعونَ(48)
Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.(48)
وَيلٌ يَومَئِذٍ لِلمُكَذِّبينَ(49)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.(49)
فَبِأَىِّ حَديثٍ بَعدَهُ يُؤمِنونَ(50)
Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.(50)