Al-Ma'arij( المعارج)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ سَأَلَ سائِلٌ بِعَذابٍ واقِعٍ(1)
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).(1)
لِلكٰفِرينَ لَيسَ لَهُ دافِعٌ(2)
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.(2)
مِنَ اللَّهِ ذِى المَعارِجِ(3)
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.(3)
تَعرُجُ المَلٰئِكَةُ وَالرّوحُ إِلَيهِ فى يَومٍ كانَ مِقدارُهُ خَمسينَ أَلفَ سَنَةٍ(4)
Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.(4)
فَاصبِر صَبرًا جَميلًا(5)
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.(5)
إِنَّهُم يَرَونَهُ بَعيدًا(6)
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.(6)
وَنَرىٰهُ قَريبًا(7)
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.(7)
يَومَ تَكونُ السَّماءُ كَالمُهلِ(8)
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.(8)
وَتَكونُ الجِبالُ كَالعِهنِ(9)
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.(9)
وَلا يَسـَٔلُ حَميمٌ حَميمًا(10)
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.(10)
يُبَصَّرونَهُم ۚ يَوَدُّ المُجرِمُ لَو يَفتَدى مِن عَذابِ يَومِئِذٍ بِبَنيهِ(11)
Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.(11)
وَصٰحِبَتِهِ وَأَخيهِ(12)
Haweenaydiisa, Walaalkiis.(12)
وَفَصيلَتِهِ الَّتى تُـٔويهِ(13)
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.(13)
وَمَن فِى الأَرضِ جَميعًا ثُمَّ يُنجيهِ(14)
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.(14)
كَلّا ۖ إِنَّها لَظىٰ(15)
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).(15)
نَزّاعَةً لِلشَّوىٰ(16)
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).(16)
تَدعوا مَن أَدبَرَ وَتَوَلّىٰ(17)
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.(17)
وَجَمَعَ فَأَوعىٰ(18)
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).(18)
۞ إِنَّ الإِنسٰنَ خُلِقَ هَلوعًا(19)
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.(19)
إِذا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزوعًا(20)
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.(20)
وَإِذا مَسَّهُ الخَيرُ مَنوعًا(21)
Hadduu khayr helana wuu reebaa.(21)
إِلَّا المُصَلّينَ(22)
Marka laga reebo Muslimiinta tukata.(22)
الَّذينَ هُم عَلىٰ صَلاتِهِم دائِمونَ(23)
Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.(23)
وَالَّذينَ فى أَموٰلِهِم حَقٌّ مَعلومٌ(24)
Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.(24)
لِلسّائِلِ وَالمَحرومِ(25)
Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.(25)
وَالَّذينَ يُصَدِّقونَ بِيَومِ الدّينِ(26)
Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).(26)
وَالَّذينَ هُم مِن عَذابِ رَبِّهِم مُشفِقونَ(27)
Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.(27)
إِنَّ عَذابَ رَبِّهِم غَيرُ مَأمونٍ(28)
Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.(28)
وَالَّذينَ هُم لِفُروجِهِم حٰفِظونَ(29)
Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.(29)
إِلّا عَلىٰ أَزوٰجِهِم أَو ما مَلَكَت أَيمٰنُهُم فَإِنَّهُم غَيرُ مَلومينَ(30)
30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.(30)
فَمَنِ ابتَغىٰ وَراءَ ذٰلِكَ فَأُولٰئِكَ هُمُ العادونَ(31)
Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.(31)
وَالَّذينَ هُم لِأَمٰنٰتِهِم وَعَهدِهِم رٰعونَ(32)
Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.(32)
وَالَّذينَ هُم بِشَهٰدٰتِهِم قائِمونَ(33)
Kuwa maraggooda si fiican u furay.(33)
وَالَّذينَ هُم عَلىٰ صَلاتِهِم يُحافِظونَ(34)
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).(34)
أُولٰئِكَ فى جَنّٰتٍ مُكرَمونَ(35)
Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.(35)
فَمالِ الَّذينَ كَفَروا قِبَلَكَ مُهطِعينَ(36)
Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).(36)
عَنِ اليَمينِ وَعَنِ الشِّمالِ عِزينَ(37)
Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.(37)
أَيَطمَعُ كُلُّ امرِئٍ مِنهُم أَن يُدخَلَ جَنَّةَ نَعيمٍ(38)
Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.(38)
كَلّا ۖ إِنّا خَلَقنٰهُم مِمّا يَعلَمونَ(39)
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.(39)
فَلا أُقسِمُ بِرَبِّ المَشٰرِقِ وَالمَغٰرِبِ إِنّا لَقٰدِرونَ(40)
Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.(40)
عَلىٰ أَن نُبَدِّلَ خَيرًا مِنهُم وَما نَحنُ بِمَسبوقينَ(41)
Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.(41)
فَذَرهُم يَخوضوا وَيَلعَبوا حَتّىٰ يُلٰقوا يَومَهُمُ الَّذى يوعَدونَ(42)
Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.(42)
يَومَ يَخرُجونَ مِنَ الأَجداثِ سِراعًا كَأَنَّهُم إِلىٰ نُصُبٍ يوفِضونَ(43)
Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).(43)
خٰشِعَةً أَبصٰرُهُم تَرهَقُهُم ذِلَّةٌ ۚ ذٰلِكَ اليَومُ الَّذى كانوا يوعَدونَ(44)
Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).(44)