Al-Lail( الليل)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ وَالَّيلِ إِذا يَغشىٰ(1)
Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.(1)
وَالنَّهارِ إِذا تَجَلّىٰ(2)
Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).(2)
وَما خَلَقَ الذَّكَرَ وَالأُنثىٰ(3)
Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.(3)
إِنَّ سَعيَكُم لَشَتّىٰ(4)
In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.(4)
فَأَمّا مَن أَعطىٰ وَاتَّقىٰ(5)
Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.(5)
وَصَدَّقَ بِالحُسنىٰ(6)
Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).(6)
فَسَنُيَسِّرُهُ لِليُسرىٰ(7)
Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).(7)
وَأَمّا مَن بَخِلَ وَاستَغنىٰ(8)
Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».(8)
وَكَذَّبَ بِالحُسنىٰ(9)
Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).(9)
فَسَنُيَسِّرُهُ لِلعُسرىٰ(10)
Waxaan u fududaynaa Jidka xun.(10)
وَما يُغنى عَنهُ مالُهُ إِذا تَرَدّىٰ(11)
Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.(11)
إِنَّ عَلَينا لَلهُدىٰ(12)
Annagaa wax hanuuninna.(12)
وَإِنَّ لَنا لَلءاخِرَةَ وَالأولىٰ(13)
Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.(13)
فَأَنذَرتُكُم نارًا تَلَظّىٰ(14)
Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.(14)
لا يَصلىٰها إِلَّا الأَشقَى(15)
Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.(15)
الَّذى كَذَّبَ وَتَوَلّىٰ(16)
Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.(16)
وَسَيُجَنَّبُهَا الأَتقَى(17)
Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.(17)
الَّذى يُؤتى مالَهُ يَتَزَكّىٰ(18)
Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.(18)
وَما لِأَحَدٍ عِندَهُ مِن نِعمَةٍ تُجزىٰ(19)
Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.(19)
إِلَّا ابتِغاءَ وَجهِ رَبِّهِ الأَعلىٰ(20)
Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.(20)
وَلَسَوفَ يَرضىٰ(21)
Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.(21)