Al-Infitar( الإنفطار)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ إِذَا السَّماءُ انفَطَرَت(1)
Markay Samadu Dildillaacdo.(1)
وَإِذَا الكَواكِبُ انتَثَرَت(2)
Xiddiguhuna daataan.(2)
وَإِذَا البِحارُ فُجِّرَت(3)
Badahana laysku furo.(3)
وَإِذَا القُبورُ بُعثِرَت(4)
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).(4)
عَلِمَت نَفسٌ ما قَدَّمَت وَأَخَّرَت(5)
Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.(5)
يٰأَيُّهَا الإِنسٰنُ ما غَرَّكَ بِرَبِّكَ الكَريمِ(6)
Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.(6)
الَّذى خَلَقَكَ فَسَوّىٰكَ فَعَدَلَكَ(7)
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.(7)
فى أَىِّ صورَةٍ ما شاءَ رَكَّبَكَ(8)
Siduu doonana kuu sameeyey.(8)
كَلّا بَل تُكَذِّبونَ بِالدّينِ(9)
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.(9)
وَإِنَّ عَلَيكُم لَحٰفِظينَ(10)
Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.(10)
كِرامًا كٰتِبينَ(11)
Oo sharaf leh waxna qori.(11)
يَعلَمونَ ما تَفعَلونَ(12)
Ogna waxaad falaysaan.(12)
إِنَّ الأَبرارَ لَفى نَعيمٍ(13)
Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.(13)
وَإِنَّ الفُجّارَ لَفى جَحيمٍ(14)
Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.(14)
يَصلَونَها يَومَ الدّينِ(15)
Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.(15)
وَما هُم عَنها بِغائِبينَ(16)
Kamana maqnaadaan Naarta.(16)
وَما أَدرىٰكَ ما يَومُ الدّينِ(17)
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.(17)
ثُمَّ ما أَدرىٰكَ ما يَومُ الدّينِ(18)
Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.(18)
يَومَ لا تَملِكُ نَفسٌ لِنَفسٍ شَيـًٔا ۖ وَالأَمرُ يَومَئِذٍ لِلَّهِ(19)
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.(19)