Al-Ghaafir( غافر)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ حم(1)
(waxay ku tusin mucjisada quraanka sidii soo hor martay).(1)
تَنزيلُ الكِتٰبِ مِنَ اللَّهِ العَزيزِ العَليمِ(2)
Soo dajinta Kitaabka (quraanka) waxay ka ahaatay Eebaha adkaada ee wax walba og.(2)
غافِرِ الذَّنبِ وَقابِلِ التَّوبِ شَديدِ العِقابِ ذِى الطَّولِ ۖ لا إِلٰهَ إِلّا هُوَ ۖ إِلَيهِ المَصيرُ(3)
Ee dhaafa danbiga aqbalana toobadda, ayna darantahay ciqaabtiisu, ee nicmada badanleh, Eebe aan ilaahay ahayna ma jiro, xaggiisaana loo noqon.(3)
ما يُجٰدِلُ فى ءايٰتِ اللَّهِ إِلَّا الَّذينَ كَفَروا فَلا يَغرُركَ تَقَلُّبُهُم فِى البِلٰدِ(4)
Kuma doodo aayaadka Eebe kuwa gaaloobey mooyee, ee yeyna kugu dhagrin gagadoonkooda adduunka.(4)
كَذَّبَت قَبلَهُم قَومُ نوحٍ وَالأَحزابُ مِن بَعدِهِم ۖ وَهَمَّت كُلُّ أُمَّةٍ بِرَسولِهِم لِيَأخُذوهُ ۖ وَجٰدَلوا بِالبٰطِلِ لِيُدحِضوا بِهِ الحَقَّ فَأَخَذتُهُم ۖ فَكَيفَ كانَ عِقابِ(5)
waxaa beeniyay hortood qoomkii (Nabi) Nuux iyo xisbiyadii ka dambeeyey, waxayna doontay ummad kastaa rasuulkoodii inay qabato (oy dilaan) waxayna ku doodeen baadil (xumaan) inay xaqa ku tirtiraan, markaasaan qabtay ee waa sidee ciqaabteydii.(5)
وَكَذٰلِكَ حَقَّت كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى الَّذينَ كَفَروا أَنَّهُم أَصحٰبُ النّارِ(6)
Saasayna ugu sugnaatay kalimadii Eebe «ciqaabtiisu» kuwii gaaloobay, waana inay yihiin naarta ehelkeeda.(6)
الَّذينَ يَحمِلونَ العَرشَ وَمَن حَولَهُ يُسَبِّحونَ بِحَمدِ رَبِّهِم وَيُؤمِنونَ بِهِ وَيَستَغفِرونَ لِلَّذينَ ءامَنوا رَبَّنا وَسِعتَ كُلَّ شَيءٍ رَحمَةً وَعِلمًا فَاغفِر لِلَّذينَ تابوا وَاتَّبَعوا سَبيلَكَ وَقِهِم عَذابَ الجَحيمِ(7)
Kuwa (Malaa'igta) xambaarsan carshiga iyo kuwa gaararkiisa ah waxay ku tasbiixsan kuna Mahadin Eebehood wayna rumeysanyihiin, waxayna u dambi dhaaf warsan kuwa rumeeyey iyagoo dhihi Eebahanow waxaad ugu waasac noqon wax kasta naxariis iyo ogaanshee u dambidhaaf kuwa toobadkeena ee raaca jidkaaga kana dhawr cadaabka jaxiimo.(7)
رَبَّنا وَأَدخِلهُم جَنّٰتِ عَدنٍ الَّتى وَعَدتَهُم وَمَن صَلَحَ مِن ءابائِهِم وَأَزوٰجِهِم وَذُرِّيّٰتِهِم ۚ إِنَّكَ أَنتَ العَزيزُ الحَكيمُ(8)
Eebow gali kuwaas jannada cadni ee ah taad u yaboohday iyaga iyo ruuxii suubanaada oo ah Aabayaalkood, Haweenkooda iyo Caruurtooda, adigaa ah adkaade falsane.(8)
وَقِهِمُ السَّيِّـٔاتِ ۚ وَمَن تَقِ السَّيِّـٔاتِ يَومَئِذٍ فَقَد رَحِمتَهُ ۚ وَذٰلِكَ هُوَ الفَوزُ العَظيمُ(9)
Kana dhawr xumaanta (Ciqaabta) ruuxaad ka dhawrto xumaanta maalintaas waad u naxariisatay taasina waa liibaanta wayn.(9)
إِنَّ الَّذينَ كَفَروا يُنادَونَ لَمَقتُ اللَّهِ أَكبَرُ مِن مَقتِكُم أَنفُسَكُم إِذ تُدعَونَ إِلَى الإيمٰنِ فَتَكفُرونَ(10)
Kuwa gaaloobay waxaa loogu dhawaaqaa (qiyaamada) cadhada Eebaa ka wayn cadhadaad naftiina ucadhootaan, maxaayeelay waxaa laydiinku yeedhi Jiray Iimaanka markaasaad gaaloobayseen.(10)
قالوا رَبَّنا أَمَتَّنَا اثنَتَينِ وَأَحيَيتَنَا اثنَتَينِ فَاعتَرَفنا بِذُنوبِنا فَهَل إِلىٰ خُروجٍ مِن سَبيلٍ(11)
Waxay dhihi Eebow waxaad na dishay laba jeer waxaadna na noolaysay laba jeer waana qiranay dambiganagii ee ma suuroowdaa jid naarta looga baxo.(11)
ذٰلِكُم بِأَنَّهُ إِذا دُعِىَ اللَّهُ وَحدَهُ كَفَرتُم ۖ وَإِن يُشرَك بِهِ تُؤمِنوا ۚ فَالحُكمُ لِلَّهِ العَلِىِّ الكَبيرِ(12)
Arrintaas waxaa ugu wacan in marka loo yeedho Eebe kaliya aad gaaloowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad rumeysaan xukunka dhamantiisna Eebaa iska leh ee sarreeya waynna.(12)
هُوَ الَّذى يُريكُم ءايٰتِهِ وَيُنَزِّلُ لَكُم مِنَ السَّماءِ رِزقًا ۚ وَما يَتَذَكَّرُ إِلّا مَن يُنيبُ(13)
Eebe waa kan idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soodajiya Samada Rizqi (Roob) mana xusuusto ruux Eebe unoqon mooyee.(13)
فَادعُوا اللَّهَ مُخلِصينَ لَهُ الدّينَ وَلَو كَرِهَ الكٰفِرونَ(14)
Ee bari (Caabud) Eebe adoo ukali yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye.(14)
رَفيعُ الدَّرَجٰتِ ذُو العَرشِ يُلقِى الرّوحَ مِن أَمرِهِ عَلىٰ مَن يَشاءُ مِن عِبادِهِ لِيُنذِرَ يَومَ التَّلاقِ(15)
Eebe waa kan ay sarrayso darajadiisu (waxna koryeela) carshigana iska leh, kuna soo dajiya waxyigiisa (iyo jibriil) oo ah amarkiisa cidduu doono oo adoomadiisa ah, si uu uga digo maalinta kulanka (Qiyaamada).(15)
يَومَ هُم بٰرِزونَ ۖ لا يَخفىٰ عَلَى اللَّهِ مِنهُم شَيءٌ ۚ لِمَنِ المُلكُ اليَومَ ۖ لِلَّهِ الوٰحِدِ القَهّارِ(16)
Maalintay usoo muuqan (usoo bixi) Eebe waxba karna qarsoona korkiisa, wuxuuna dhihi Eebe yaa xukunka iska leh maanta, markaasuu dhihi Eebaha kalida ah ee awooda badan.(16)
اليَومَ تُجزىٰ كُلُّ نَفسٍ بِما كَسَبَت ۚ لا ظُلمَ اليَومَ ۚ إِنَّ اللَّهَ سَريعُ الحِسابِ(17)
Maanta (Qiyaamada) waxaa laga abaalmarin nafkastaa waxay kasbatay, dulmina majiro Maanta, Eebana wey dag dag badantahay xisaabtiisu.(17)
وَأَنذِرهُم يَومَ الءازِفَةِ إِذِ القُلوبُ لَدَى الحَناجِرِ كٰظِمينَ ۚ ما لِلظّٰلِمينَ مِن حَميمٍ وَلا شَفيعٍ يُطاعُ(18)
Uga dig Nabiyow dadka Maalinta dhaw (Qiyaamada) markuu wadnuhu imaan dhuunta (Cabsi darteed) iyagoo naxsan daalimiinna uma sugnaan sokeeye iyo mid u shafeecoo la maqlo.(18)
يَعلَمُ خائِنَةَ الأَعيُنِ وَما تُخفِى الصُّدورُ(19)
Eebe waa ogyahay khayaanada indhaha iyo waxay qarin laabtu.(19)
وَاللَّهُ يَقضى بِالحَقِّ ۖ وَالَّذينَ يَدعونَ مِن دونِهِ لا يَقضونَ بِشَيءٍ ۗ إِنَّ اللَّهَ هُوَ السَّميعُ البَصيرُ(20)
Eebe wuxuu xukumaa xaqa, waxay caabudina oo Eeba ka sokeeya waxba ma xukumaan, Eebana waa maqle arka ah.(20)
۞ أَوَلَم يَسيروا فِى الأَرضِ فَيَنظُروا كَيفَ كانَ عٰقِبَةُ الَّذينَ كانوا مِن قَبلِهِم ۚ كانوا هُم أَشَدَّ مِنهُم قُوَّةً وَءاثارًا فِى الأَرضِ فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ بِذُنوبِهِم وَما كانَ لَهُم مِنَ اللَّهِ مِن واقٍ(21)
Miyayna ku soconin Dhulka ooyan fiirin siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladan) waxay ahaayeen kuwa ka xoogbadan kana camiraadbadan dhulka, markaasuu qabtay Eebe danbigooda dartiis umana sugnaan waxa Eebe ka soo hadhay wax daafaca.(21)
ذٰلِكَ بِأَنَّهُم كانَت تَأتيهِم رُسُلُهُم بِالبَيِّنٰتِ فَكَفَروا فَأَخَذَهُمُ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ قَوِىٌّ شَديدُ العِقابِ(22)
Waxaana saas ugu wacan inay ahayd xujooyin, oy ka gaaloobeen markaas Eebe qabtay maxaa yeelay waa xoogbadane ay darantahay ciqaabtiisu.(22)
وَلَقَد أَرسَلنا موسىٰ بِـٔايٰتِنا وَسُلطٰنٍ مُبينٍ(23)
Dhab ahaan yaan (Nabi) Muuse ugu dirray isagoo wata aayaadkanaga iyo xujo cad.(23)
إِلىٰ فِرعَونَ وَهٰمٰنَ وَقٰرونَ فَقالوا سٰحِرٌ كَذّابٌ(24)
Xagga Fircoon, Haamaan iyo Qaaruun waxayna dheheen waa sixirroow beenaala ah.(24)
فَلَمّا جاءَهُم بِالحَقِّ مِن عِندِنا قالُوا اقتُلوا أَبناءَ الَّذينَ ءامَنوا مَعَهُ وَاستَحيوا نِساءَهُم ۚ وَما كَيدُ الكٰفِرينَ إِلّا فى ضَلٰلٍ(25)
Markuu ugala yimid xaqa agtanada waxay dheheen dila Wiilasha kuwa rumeeyey, daayana Haweenka (Gabdhaha) dhagarta gaaladuna ma aha waxaan khasaare ahayn.(25)
وَقالَ فِرعَونُ ذَرونى أَقتُل موسىٰ وَليَدعُ رَبَّهُ ۖ إِنّى أَخافُ أَن يُبَدِّلَ دينَكُم أَو أَن يُظهِرَ فِى الأَرضِ الفَسادَ(26)
Wuxuu yidhi Fircoon, i daaya aan silo Muusee hana uyeedho Eebihiisa, waxaan ka cabsan inuu idinka badalo Diinta ama uu ka muujiyo dhulka fasaad.(26)
وَقالَ موسىٰ إِنّى عُذتُ بِرَبّى وَرَبِّكُم مِن كُلِّ مُتَكَبِّرٍ لا يُؤمِنُ بِيَومِ الحِسابِ(27)
Wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse waxaan ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin mid kasta oo is kibriya (isla wayn) oon rumayn Maalinta xisaabta qiyaamada.(27)
وَقالَ رَجُلٌ مُؤمِنٌ مِن ءالِ فِرعَونَ يَكتُمُ إيمٰنَهُ أَتَقتُلونَ رَجُلًا أَن يَقولَ رَبِّىَ اللَّهُ وَقَد جاءَكُم بِالبَيِّنٰتِ مِن رَبِّكُم ۖ وَإِن يَكُ كٰذِبًا فَعَلَيهِ كَذِبُهُ ۖ وَإِن يَكُ صادِقًا يُصِبكُم بَعضُ الَّذى يَعِدُكُم ۖ إِنَّ اللَّهَ لا يَهدى مَن هُوَ مُسرِفٌ كَذّابٌ(28)
Wuxuu yidhi nin Mu'min ah oo ka mid ah dadka Fircoon oo qarinaayay limaankiisa, ma waxaad udilaysaan in uu yidhi Eebahay waa Alle, isagoo idiinkala yimid xijooyin xagga Eebihiin hadduu beenaale yahayna isagay dhibi beentiisu, hadduu runle yahayna waxaa idin ku dhici wuxuu idiin ku yaboohay qaarkiis, Eebana ma hanuuniyo danbi badane been badan.(28)
يٰقَومِ لَكُمُ المُلكُ اليَومَ ظٰهِرينَ فِى الأَرضِ فَمَن يَنصُرُنا مِن بَأسِ اللَّهِ إِن جاءَنا ۚ قالَ فِرعَونُ ما أُريكُم إِلّا ما أَرىٰ وَما أَهديكُم إِلّا سَبيلَ الرَّشادِ(29)
Qoomkayoow idinkaa iska leh xukunka maanta una adag dhulka, yaase nooga gargaari caddabka Eebe hadduu inoo yimaado, fircoon wuxuu yidhi idin kula talin maayo waxaan ahayn ra'yigayga (waxa ii muuqda) idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah.(29)
وَقالَ الَّذى ءامَنَ يٰقَومِ إِنّى أَخافُ عَلَيكُم مِثلَ يَومِ الأَحزابِ(30)
Wuxuu yidhi kii rumeeyey (Xaqa) qoomkayoow waxaan idiin ka cabsan sidii maalintii xisbiyadii.(30)
مِثلَ دَأبِ قَومِ نوحٍ وَعادٍ وَثَمودَ وَالَّذينَ مِن بَعدِهِم ۚ وَمَا اللَّهُ يُريدُ ظُلمًا لِلعِبادِ(31)
Sidii Qoomkii Nabi Nuux iyo reecaad iyo thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, Eebana ma aha mid la doonadulmi addoomada.(31)
وَيٰقَومِ إِنّى أَخافُ عَلَيكُم يَومَ التَّنادِ(32)
Qoomkayow wxaan idinka cabsan maalinta isu yeedhidda (Qiyaamada).(32)
يَومَ تُوَلّونَ مُدبِرينَ ما لَكُم مِنَ اللَّهِ مِن عاصِمٍ ۗ وَمَن يُضلِلِ اللَّهُ فَما لَهُ مِن هادٍ(33)
Maalintaad jeedsandoontaan idinkoo carari, idiinna sugnayn wax Eebe idinka ilaaliya, ruux Eebe dhumiyeyna malaha «ma jiro» wax hanuunin.(33)
وَلَقَد جاءَكُم يوسُفُ مِن قَبلُ بِالبَيِّنٰتِ فَما زِلتُم فى شَكٍّ مِمّا جاءَكُم بِهِ ۖ حَتّىٰ إِذا هَلَكَ قُلتُم لَن يَبعَثَ اللَّهُ مِن بَعدِهِ رَسولًا ۚ كَذٰلِكَ يُضِلُّ اللَّهُ مَن هُوَ مُسرِفٌ مُرتابٌ(34)
Waxaa dhab ahaan idiin kula mid xujooyin marhore (Nabi) Yuusuf, kamana aydaan tagin shaki wuxuu idiin la yimid, markuu dhintayna waxaad dhahdeen ma soobixinaayo Eebe gadaashiis Rasuul, saasuuna udhumiyaa Eebe Ruux xad gudba oo shaki badan.(34)
الَّذينَ يُجٰدِلونَ فى ءايٰتِ اللَّهِ بِغَيرِ سُلطٰنٍ أَتىٰهُم ۖ كَبُرَ مَقتًا عِندَ اللَّهِ وَعِندَ الَّذينَ ءامَنوا ۚ كَذٰلِكَ يَطبَعُ اللَّهُ عَلىٰ كُلِّ قَلبِ مُتَكَبِّرٍ جَبّارٍ(35)
Kuwa kudoodaya aayaadkanaga xujo utimid la'aanteed waxaa ku waynaatay cadho Eebe agtiisa iyo kuwa rumeeyay, saasuuna u daabacaa Eebe qalbi kastoo is kibriya oo daalim ah.(35)
وَقالَ فِرعَونُ يٰهٰمٰنُ ابنِ لى صَرحًا لَعَلّى أَبلُغُ الأَسبٰبَ(36)
Wuxuu yidhi fircoon Haamaanoow ii dhis Daar (sare) si aan ugu gaadho wadooyinka.(36)
أَسبٰبَ السَّمٰوٰتِ فَأَطَّلِعَ إِلىٰ إِلٰهِ موسىٰ وَإِنّى لَأَظُنُّهُ كٰذِبًا ۚ وَكَذٰلِكَ زُيِّنَ لِفِرعَونَ سوءُ عَمَلِهِ وَصُدَّ عَنِ السَّبيلِ ۚ وَما كَيدُ فِرعَونَ إِلّا فى تَبابٍ(37)
Wadooyinka Samooyinka markaas aandaalacdo Ilaaha Muuse anigu waxaan u malayn beenaalee, saasaana loogu qurxiyay fircoon camalkiisa xun loogana leexiyay jidka, dhagarta fircoonna, ma aha waxaan khasaare ahayn.(37)
وَقالَ الَّذى ءامَنَ يٰقَومِ اتَّبِعونِ أَهدِكُم سَبيلَ الرَّشادِ(38)
Wuxuu yidhi kii rumeeyay (Xaqa) qoomkayoow i raaca waxaan idinku hanuunin jidka fiicane.(38)
يٰقَومِ إِنَّما هٰذِهِ الحَيوٰةُ الدُّنيا مَتٰعٌ وَإِنَّ الءاخِرَةَ هِىَ دارُ القَرارِ(39)
Qoomkayoow nolashan adduunyo ee dhaw waa uun raaxo (yar) aakharaase guri nagaadi ah.(39)
مَن عَمِلَ سَيِّئَةً فَلا يُجزىٰ إِلّا مِثلَها ۖ وَمَن عَمِلَ صٰلِحًا مِن ذَكَرٍ أَو أُنثىٰ وَهُوَ مُؤمِنٌ فَأُولٰئِكَ يَدخُلونَ الجَنَّةَ يُرزَقونَ فيها بِغَيرِ حِسابٍ(40)
Ruuxii camal xun sameeya laguma abaalmariyo wax lamid ah mooyee, Ruuxiise camal fiican fala Lab iyo Dhaddiigba isagoo rumaysan kuwaasi waxay gali Jannada, waana lagu arzuqi dhexdeeda xisaab la'aan.(40)
۞ وَيٰقَومِ ما لى أَدعوكُم إِلَى النَّجوٰةِ وَتَدعونَنى إِلَى النّارِ(41)
Qoomkayoow maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho korid idinna iigu yeedhaan Naar.(41)
تَدعونَنى لِأَكفُرَ بِاللَّهِ وَأُشرِكَ بِهِ ما لَيسَ لى بِهِ عِلمٌ وَأَنا۠ أَدعوكُم إِلَى العَزيزِ الغَفّٰرِ(42)
liguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebe lana wadaajiyo (Cibaadada) waxaanan oqoon ulahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebaha adkaada ee dambidhaafa.(42)
لا جَرَمَ أَنَّما تَدعونَنى إِلَيهِ لَيسَ لَهُ دَعوَةٌ فِى الدُّنيا وَلا فِى الءاخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنا إِلَى اللَّهِ وَأَنَّ المُسرِفينَ هُم أَصحٰبُ النّارِ(43)
Waxaan shaki lahayn in waxaad iigu yeedhaysaan xaggiisa uusan lahayn Nacfi (iyo wax ajiiba) adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Eebe kuwa xadgudbana iyaga uunbaa ah asaxaabta (Ehelka) naarta.(43)
فَسَتَذكُرونَ ما أَقولُ لَكُم ۚ وَأُفَوِّضُ أَمرى إِلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَصيرٌ بِالعِبادِ(44)
Waadna xusuusan doontaan waxaan idin kuleeyahay, waxaana u bandhigay amarkayga xagga Eebe, illeen Eebaa arka addoomadee.(44)
فَوَقىٰهُ اللَّهُ سَيِّـٔاتِ ما مَكَروا ۖ وَحاقَ بِـٔالِ فِرعَونَ سوءُ العَذابِ(45)
Markaasaa Eebe ka dhawray Mu'minkaas xumaantay ku dhagreen, waxaana ku dhacay (ku dagay) Fircoon iyo ehelkiisii cadaab xun.(45)
النّارُ يُعرَضونَ عَلَيها غُدُوًّا وَعَشِيًّا ۖ وَيَومَ تَقومُ السّاعَةُ أَدخِلوا ءالَ فِرعَونَ أَشَدَّ العَذابِ(46)
Naarbaana loo bandhigaa aroortii iyo galabtiiba, Maalintay kacayso Saacaduna (Qiyaamada waxaa ladhihi) galiya fircoon iyo ehelkiisa kan ugu daran cadaab.(46)
وَإِذ يَتَحاجّونَ فِى النّارِ فَيَقولُ الضُّعَفٰؤُا۟ لِلَّذينَ استَكبَروا إِنّا كُنّا لَكُم تَبَعًا فَهَل أَنتُم مُغنونَ عَنّا نَصيبًا مِنَ النّارِ(47)
Xusuuso waqtigay ku doodi ehelu Naarku Naarta dhexdeeda ooy ku odhan kuwii (raaciyada ahaa) kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa idinkaan idin raacaynay ee wax manooga taraysaan qayb naarta ka mid ah.(47)
قالَ الَّذينَ استَكبَروا إِنّا كُلٌّ فيها إِنَّ اللَّهَ قَد حَكَمَ بَينَ العِبادِ(48)
waxay dheheen kuwii iskibriyey dhamaanteen waxaan ahaanaynaa naarta dhexdeeda, Eebana waa kala xukumay addoomadiisa dhexdooda.(48)
وَقالَ الَّذينَ فِى النّارِ لِخَزَنَةِ جَهَنَّمَ ادعوا رَبَّكُم يُخَفِّف عَنّا يَومًا مِنَ العَذابِ(49)
Waxayna ku dhaheen kuwa naarta kusugan adeegaha jahannamo noo barya Eebihiin inuu naga fududeeyo maalin cadaabka.(49)
قالوا أَوَلَم تَكُ تَأتيكُم رُسُلُكُم بِالبَيِّنٰتِ ۖ قالوا بَلىٰ ۚ قالوا فَادعوا ۗ وَما دُعٰؤُا۟ الكٰفِرينَ إِلّا فى ضَلٰلٍ(50)
Waxay dheheen adeegayaashii miyeyna ahayn inay idiinla timid Rasuuladii xujooyin, waxay dhaheen way noola timid, waxayna dhaheen harya idinkii marka Eebe, baryada gaaladana ma aha waxaan baadi iyo khasaare ahayn.(50)
إِنّا لَنَنصُرُ رُسُلَنا وَالَّذينَ ءامَنوا فِى الحَيوٰةِ الدُّنيا وَيَومَ يَقومُ الأَشهٰدُ(51)
Annagaa u gargaari Rasuuladanada iyo kuwa rumeeyey xaqa nolosha adduun iyo maalinta ay kici maragyadu.(51)
يَومَ لا يَنفَعُ الظّٰلِمينَ مَعذِرَتُهُم ۖ وَلَهُمُ اللَّعنَةُ وَلَهُم سوءُ الدّارِ(52)
Maalintayna antacayn daalimiinta cudur daarkoodu, ayna u sugnaan Naclad iyo Guri xun (Naar).(52)
وَلَقَد ءاتَينا موسَى الهُدىٰ وَأَورَثنا بَنى إِسرٰءيلَ الكِتٰبَ(53)
Dhab ahaan yaan u siinay Nabi Muuse hanuun (Nabinimo) una dhaxalsiinayna Bani Israa'iil Kitaabka (Tawreed).(53)
هُدًى وَذِكرىٰ لِأُولِى الأَلبٰبِ(54)
Hunuun iyo waano isagoo u ah kuwa caqliga leh.(54)
فَاصبِر إِنَّ وَعدَ اللَّهِ حَقٌّ وَاستَغفِر لِذَنبِكَ وَسَبِّح بِحَمدِ رَبِّكَ بِالعَشِىِّ وَالإِبكٰرِ(55)
Ee samir Nabiyow yabooha Eebe wan dhabe, dambi dhaafna waydiiso kuna tasbiixso adoo ku dheehan mahadda Eebahaa Galab iyo Aroorba.(55)
إِنَّ الَّذينَ يُجٰدِلونَ فى ءايٰتِ اللَّهِ بِغَيرِ سُلطٰنٍ أَتىٰهُم ۙ إِن فى صُدورِهِم إِلّا كِبرٌ ما هُم بِبٰلِغيهِ ۚ فَاستَعِذ بِاللَّهِ ۖ إِنَّهُ هُوَ السَّميعُ البَصيرُ(56)
Kuwu ku murmi aayaadka Eebe xujo la'aan u timid laabtooda ma aha waxaan kibir ayna gaadhayn ahayn, ee ka magan gala Eebe isagaa wax muqla waxna arkee.(56)
لَخَلقُ السَّمٰوٰتِ وَالأَرضِ أَكبَرُ مِن خَلقِ النّاسِ وَلٰكِنَّ أَكثَرَ النّاسِ لا يَعلَمونَ(57)
Abuuriddu cirka iyo Dhulka yaa kawayn abuuridda Dadka (sida u muuqata) laakiin Dadka badidiis ma oga.(57)
وَما يَستَوِى الأَعمىٰ وَالبَصيرُ وَالَّذينَ ءامَنوا وَعَمِلُوا الصّٰلِحٰتِ وَلَا المُسيءُ ۚ قَليلًا ما تَتَذَكَّرونَ(58)
Ma eka indhoole iyo arkc iyo kuwa rumeeyey (Xaqa) camalfiicanna falay iyo xumuunloow, wax yar baadse xusuusanaysaan.(58)
إِنَّ السّاعَةَ لَءاتِيَةٌ لا رَيبَ فيها وَلٰكِنَّ أَكثَرَ النّاسِ لا يُؤمِنونَ(59)
Saacadda (Qiyaame) way iman shaki la'aan laakiin Dadka badidiis ma rumeynayaan.(59)
وَقالَ رَبُّكُمُ ادعونى أَستَجِب لَكُم ۚ إِنَّ الَّذينَ يَستَكبِرونَ عَن عِبادَتى سَيَدخُلونَ جَهَنَّمَ داخِرينَ(60)
Wuxuu yidhi Eebehiin i barya aan idiin ajiibee, (aqbalee) kuwa iska weyneeya cibaadadayda waxay gali doonaan naarta jahannamo, iyagoo dulleysan.(60)
اللَّهُ الَّذى جَعَلَ لَكُمُ الَّيلَ لِتَسكُنوا فيهِ وَالنَّهارَ مُبصِرًا ۚ إِنَّ اللَّهَ لَذو فَضلٍ عَلَى النّاسِ وَلٰكِنَّ أَكثَرَ النّاسِ لا يَشكُرونَ(61)
Eebe waa kan idiin yeelay habeenka inaad xasiLoonaataan dhexdiisa, maalintana (Ifid) arag, Eebana waa kan wax ku galladaysta dadka, laakiin dadka badankiisu kuma mahdiyaan.(61)
ذٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُم خٰلِقُ كُلِّ شَيءٍ لا إِلٰهَ إِلّا هُوَ ۖ فَأَنّىٰ تُؤفَكونَ(62)
Kaasi waa allihiin, Eebana idiin ah wax walbana abuuro, Eebe mooyee mid kale ma jiro ee xagee xaqa laydiinka iili.(62)
كَذٰلِكَ يُؤفَكُ الَّذينَ كانوا بِـٔايٰتِ اللَّهِ يَجحَدونَ(63)
Saas ookale yaa loo iilay kuwii aayaadka Eebe diidi jiray.(63)
اللَّهُ الَّذى جَعَلَ لَكُمُ الأَرضَ قَرارًا وَالسَّماءَ بِناءً وَصَوَّرَكُم فَأَحسَنَ صُوَرَكُم وَرَزَقَكُم مِنَ الطَّيِّبٰتِ ۚ ذٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُم ۖ فَتَبارَكَ اللَّهُ رَبُّ العٰلَمينَ(64)
Eebe waa kan idiinka yeelay Dhulka meel sugnaansho, Cirkana dhismo oo idin sawiray wanaajiyayna Suuraddiina oo idinku Arzaaqay wax wanaagsan kaasi waa Eebihiin waxaana sarreeya oo nasahan Eebaha Caalamka Eebihiisa ah,(64)
هُوَ الحَىُّ لا إِلٰهَ إِلّا هُوَ فَادعوهُ مُخلِصينَ لَهُ الدّينَ ۗ الحَمدُ لِلَّهِ رَبِّ العٰلَمينَ(65)
Eebaha nool, Eebe aan isaga ahaynna ma jiro ee barya (caabudana) idinkoo u kaliyeeli Diinta, mahadna waxaa iska leh Eebaha Caalamka.(65)
۞ قُل إِنّى نُهيتُ أَن أَعبُدَ الَّذينَ تَدعونَ مِن دونِ اللَّهِ لَمّا جاءَنِىَ البَيِّنٰتُ مِن رَبّى وَأُمِرتُ أَن أُسلِمَ لِرَبِّ العٰلَمينَ(66)
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaa layga reebay inaan caabudo waxaad baryeysaan Eebe ka sokow markay iigayimaadeen xujooyin xagga Eebahay, waxaana lay faray inaan uhogaansamo Eebaha Caalamka.(66)
هُوَ الَّذى خَلَقَكُم مِن تُرابٍ ثُمَّ مِن نُطفَةٍ ثُمَّ مِن عَلَقَةٍ ثُمَّ يُخرِجُكُم طِفلًا ثُمَّ لِتَبلُغوا أَشُدَّكُم ثُمَّ لِتَكونوا شُيوخًا ۚ وَمِنكُم مَن يُتَوَفّىٰ مِن قَبلُ ۖ وَلِتَبلُغوا أَجَلًا مُسَمًّى وَلَعَلَّكُم تَعقِلونَ(67)
Eebe waa kan idinka abuuray CarRada Hadana Dhibic, haddana Calaqo markaas idin soo bixiyey idinkoo ilma ah, hadana aad gaadhaan xoogiina, haddana aad noqotaan Odayo waxaase idinka mid ah cid la oofsado (Dhimata) intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan waqti magacaaban waxaad udhawdihiin inaad wax kastaan.(67)
هُوَ الَّذى يُحيۦ وَيُميتُ ۖ فَإِذا قَضىٰ أَمرًا فَإِنَّما يَقولُ لَهُ كُن فَيَكونُ(68)
Eebe waa kan wax nooleeya waxna dila markuu doono inuu xukumo amarna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.(68)
أَلَم تَرَ إِلَى الَّذينَ يُجٰدِلونَ فى ءايٰتِ اللَّهِ أَنّىٰ يُصرَفونَ(69)
Ka warran kuwa ku murmi aayaadku Eebe xaggee looga iili xaqa.(69)
الَّذينَ كَذَّبوا بِالكِتٰبِ وَبِما أَرسَلنا بِهِ رُسُلَنا ۖ فَسَوفَ يَعلَمونَ(70)
Kuwa beeniyay Kitaabka «Quraanka» iyo waxaan la soo dirray Rasuulladanada way ogaandoonaan, cidhibtooda.(70)
إِذِ الأَغلٰلُ فى أَعنٰقِهِم وَالسَّلٰسِلُ يُسحَبونَ(71)
Marka Katiinado layeelo Luquntooda Silsiladdana lagu jiido.(71)
فِى الحَميمِ ثُمَّ فِى النّارِ يُسجَرونَ(72)
Kulayl haddana «Naar» lagu jiido.(72)
ثُمَّ قيلَ لَهُم أَينَ ما كُنتُم تُشرِكونَ(73)
Markaas lagu dhaho aaway waxaad la wadaajiseen cibaadada.(73)
مِن دونِ اللَّهِ ۖ قالوا ضَلّوا عَنّا بَل لَم نَكُن نَدعوا مِن قَبلُ شَيـًٔا ۚ كَذٰلِكَ يُضِلُّ اللَّهُ الكٰفِرينَ(74)
Eebe ka sokoow, waxayna odhan waa naga Dhumeen (waynay), mase aanaan ahayn kuwo Wax ucaabuday horay, saasuuna Eebe udhumiyaa Gaalada.(74)
ذٰلِكُم بِما كُنتُم تَفرَحونَ فِى الأَرضِ بِغَيرِ الحَقِّ وَبِما كُنتُم تَمرَحونَ(75)
Taasina waa waxaad ugu farxi jirteen Xumaanta dhulka dhexdiisa xaq daro iyo Waxaad la kibri jirteen.(75)
ادخُلوا أَبوٰبَ جَهَنَّمَ خٰلِدينَ فيها ۖ فَبِئسَ مَثوَى المُتَكَبِّرينَ(76)
Eegala irdaha jahannamo idinkoo ku Waari waxaana u xun meeluu ku hoydo isla wayne Naarta Jahanamo.(76)
فَاصبِر إِنَّ وَعدَ اللَّهِ حَقٌّ ۚ فَإِمّا نُرِيَنَّكَ بَعضَ الَّذى نَعِدُهُم أَو نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَينا يُرجَعونَ(77)
Samir (adkayso) nabiyow yabooha Eebe waa xaqe, haddaanu kutusinno waxa (guusha) aannu Kuu yaboohi qaarkeed (intaad nooshahay waa Wanaagayamaan ku oofsanno (intaas Ka hor) Xaganagaa loo soo celin (gaaladaas).(77)
وَلَقَد أَرسَلنا رُسُلًا مِن قَبلِكَ مِنهُم مَن قَصَصنا عَلَيكَ وَمِنهُم مَن لَم نَقصُص عَلَيكَ ۗ وَما كانَ لِرَسولٍ أَن يَأتِىَ بِـٔايَةٍ إِلّا بِإِذنِ اللَّهِ ۚ فَإِذا جاءَ أَمرُ اللَّهِ قُضِىَ بِالحَقِّ وَخَسِرَ هُنالِكَ المُبطِلونَ(78)
Waxan dirray rasuullo adiga hortaa Waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonay iyo kuwo aanaan kaaga qisoonin, rasuulna aayad (mucjisad) ah idiin Lama imaan karo Eebe la'aantiis hadduuse yimaado amarka Eebe (cadaabkiisu) waxaa la Xukumi xaq waxaana ku khasaaray halkaas kuwa Xumaanlowga ah.(78)
اللَّهُ الَّذى جَعَلَ لَكُمُ الأَنعٰمَ لِتَركَبوا مِنها وَمِنها تَأكُلونَ(79)
Eebe waa kan idiin yeelay Nicmoolayda (xoolaha) inaad waxna ka fuushaan waxna ka cuntaan.(79)
وَلَكُم فيها مَنٰفِعُ وَلِتَبلُغوا عَلَيها حاجَةً فى صُدورِكُم وَعَلَيها وَعَلَى الفُلكِ تُحمَلونَ(80)
Waxaana idinka sugnaaday dhexdeeda Nacfi iyo inaad ku gaadhaan danihiina Laabta idinkaga jira, korkeeda iyo doonta Ayaana la idinku xambaaraa.(80)
وَيُريكُم ءايٰتِهِ فَأَىَّ ءايٰتِ اللَّهِ تُنكِرونَ(81)
Wuxuuna idin tusiyaa aayaadkiisa ee teed aayaadka Eebe diidaysaan.(81)
أَفَلَم يَسيروا فِى الأَرضِ فَيَنظُروا كَيفَ كانَ عٰقِبَةُ الَّذينَ مِن قَبلِهِم ۚ كانوا أَكثَرَ مِنهُم وَأَشَدَّ قُوَّةً وَءاثارًا فِى الأَرضِ فَما أَغنىٰ عَنهُم ما كانوا يَكسِبونَ(82)
miyayna ku soconin dhulka oo ay fiiriyaan Siday noqotay cidhibtii kuwii ka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo ka badan kana xoog badan iyo camiridda dhulka, waxna uma tarin waxay kasbadeen.(82)
فَلَمّا جاءَتهُم رُسُلُهُم بِالبَيِّنٰتِ فَرِحوا بِما عِندَهُم مِنَ العِلمِ وَحاقَ بِهِم ما كانوا بِهِ يَستَهزِءونَ(83)
markay ula yimaadeen rasuuladoodii xujooyin waxay ku farxeen gaaladii waxa agtooda ah oo cilmi ah, waxaana ku dagay waxay ku jees-jeesi jireen (abaalkiisii).(83)
فَلَمّا رَأَوا بَأسَنا قالوا ءامَنّا بِاللَّهِ وَحدَهُ وَكَفَرنا بِما كُنّا بِهِ مُشرِكينَ(84)
markay arkaan cadaabkanaga waxay dhahaan waxaan rumaynay Eebe kaliya waana diidnay waxaan Eebe la wadaajin jirray.(84)
فَلَم يَكُ يَنفَعُهُم إيمٰنُهُم لَمّا رَأَوا بَأسَنا ۖ سُنَّتَ اللَّهِ الَّتى قَد خَلَت فى عِبادِهِ ۖ وَخَسِرَ هُنالِكَ الكٰفِرونَ(85)
Mana aha kuu anfici iimaankoodu markay Arkaan cadaabkanaga, waa sunnada (dariqada) Eebe ee u horaysay adoomadiisa, waxaana ku khasaaray halkaas gaalada.(85)