Al-Fajr( الفجر)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ وَالفَجرِ(1)
Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.(1)
وَلَيالٍ عَشرٍ(2)
Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).(2)
وَالشَّفعِ وَالوَترِ(3)
Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.(3)
وَالَّيلِ إِذا يَسرِ(4)
Iyo Habeenku markuu tagayu.(4)
هَل فى ذٰلِكَ قَسَمٌ لِذى حِجرٍ(5)
Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.(5)
أَلَم تَرَ كَيفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعادٍ(6)
Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.(6)
إِرَمَ ذاتِ العِمادِ(7)
Ee ahaa Irama xooggana lahaa.(7)
الَّتى لَم يُخلَق مِثلُها فِى البِلٰدِ(8)
Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka.(8)
وَثَمودَ الَّذينَ جابُوا الصَّخرَ بِالوادِ(9)
Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.(9)
وَفِرعَونَ ذِى الأَوتادِ(10)
lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.(10)
الَّذينَ طَغَوا فِى البِلٰدِ(11)
kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.(11)
فَأَكثَروا فيهَا الفَسادَ(12)
12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.(12)
فَصَبَّ عَلَيهِم رَبُّكَ سَوطَ عَذابٍ(13)
Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.(13)
إِنَّ رَبَّكَ لَبِالمِرصادِ(14)
Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).(14)
فَأَمَّا الإِنسٰنُ إِذا مَا ابتَلىٰهُ رَبُّهُ فَأَكرَمَهُ وَنَعَّمَهُ فَيَقولُ رَبّى أَكرَمَنِ(15)
Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).(15)
وَأَمّا إِذا مَا ابتَلىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيهِ رِزقَهُ فَيَقولُ رَبّى أَهٰنَنِ(16)
Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.(16)
كَلّا ۖ بَل لا تُكرِمونَ اليَتيمَ(17)
Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.(17)
وَلا تَحٰضّونَ عَلىٰ طَعامِ المِسكينِ(18)
Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.(18)
وَتَأكُلونَ التُّراثَ أَكلًا لَمًّا(19)
Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.(19)
وَتُحِبّونَ المالَ حُبًّا جَمًّا(20)
Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.(20)
كَلّا إِذا دُكَّتِ الأَرضُ دَكًّا دَكًّا(21)
Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.(21)
وَجاءَ رَبُّكَ وَالمَلَكُ صَفًّا صَفًّا(22)
Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan.(22)
وَجِا۟يءَ يَومَئِذٍ بِجَهَنَّمَ ۚ يَومَئِذٍ يَتَذَكَّرُ الإِنسٰنُ وَأَنّىٰ لَهُ الذِّكرىٰ(23)
Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.(23)
يَقولُ يٰلَيتَنى قَدَّمتُ لِحَياتى(24)
Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.(24)
فَيَومَئِذٍ لا يُعَذِّبُ عَذابَهُ أَحَدٌ(25)
Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro.(25)
وَلا يوثِقُ وَثاقَهُ أَحَدٌ(26)
Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro.(26)
يٰأَيَّتُهَا النَّفسُ المُطمَئِنَّةُ(27)
Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.(27)
ارجِعى إِلىٰ رَبِّكِ راضِيَةً مَرضِيَّةً(28)
U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.(28)
فَادخُلى فى عِبٰدى(29)
dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).(29)
وَادخُلى جَنَّتى(30)
Galna Jannadayda.(30)