Al-Anbiyaa( الأنبياء)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ اقتَرَبَ لِلنّاسِ حِسابُهُم وَهُم فى غَفلَةٍ مُعرِضونَ(1)
Xisaabtoodii iyagoo Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan.(1)
ما يَأتيهِم مِن ذِكرٍ مِن رَبِّهِم مُحدَثٍ إِلَّا استَمَعوهُ وَهُم يَلعَبونَ(2)
Quraankastee oo uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari.(2)
لاهِيَةً قُلوبُهُم ۗ وَأَسَرُّوا النَّجوَى الَّذينَ ظَلَموا هَل هٰذا إِلّا بَشَرٌ مِثلُكُم ۖ أَفَتَأتونَ السِّحرَ وَأَنتُم تُبصِرونَ(3)
Oy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo Arka.(3)
قالَ رَبّى يَعلَمُ القَولَ فِى السَّماءِ وَالأَرضِ ۖ وَهُوَ السَّميعُ العَليمُ(4)
Wuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah.(4)
بَل قالوا أَضغٰثُ أَحلٰمٍ بَلِ افتَرىٰهُ بَل هُوَ شاعِرٌ فَليَأتِنا بِـٔايَةٍ كَما أُرسِلَ الأَوَّلونَ(5)
Waxay Dheheen (Gaaladii) Saas ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore.(5)
ما ءامَنَت قَبلَهُم مِن قَريَةٍ أَهلَكنٰها ۖ أَفَهُم يُؤمِنونَ(6)
Mayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn.(6)
وَما أَرسَلنا قَبلَكَ إِلّا رِجالًا نوحى إِلَيهِم ۖ فَسـَٔلوا أَهلَ الذِّكرِ إِن كُنتُم لا تَعلَمونَ(7)
Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn.(7)
وَما جَعَلنٰهُم جَسَدًا لا يَأكُلونَ الطَّعامَ وَما كانوا خٰلِدينَ(8)
Kamaanaan Dhigin (Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno mana ahayn kuwo Waara.(8)
ثُمَّ صَدَقنٰهُمُ الوَعدَ فَأَنجَينٰهُم وَمَن نَشاءُ وَأَهلَكنَا المُسرِفينَ(9)
Markaasna waxaan u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay Xadgudbayaasha.(9)
لَقَد أَنزَلنا إِلَيكُم كِتٰبًا فيهِ ذِكرُكُم ۖ أَفَلا تَعقِلونَ(10)
Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn.(10)
وَكَم قَصَمنا مِن قَريَةٍ كانَت ظالِمَةً وَأَنشَأنا بَعدَها قَومًا ءاخَرينَ(11)
Badanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale.(11)
فَلَمّا أَحَسّوا بَأسَنا إِذا هُم مِنها يَركُضونَ(12)
Markay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari.(12)
لا تَركُضوا وَارجِعوا إِلىٰ ما أُترِفتُم فيهِ وَمَسٰكِنِكُم لَعَلَّكُم تُسـَٔلونَ(13)
Ha Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u Dhawdahay in wax laydin warsadee.(13)
قالوا يٰوَيلَنا إِنّا كُنّا ظٰلِمينَ(14)
Waxay Dhaheen Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin.(14)
فَما زالَت تِلكَ دَعوىٰهُم حَتّىٰ جَعَلنٰهُم حَصيدًا خٰمِدينَ(15)
Saasna kuma tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya.(15)
وَما خَلَقنَا السَّماءَ وَالأَرضَ وَما بَينَهُما لٰعِبينَ(16)
Maanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya Anagoo Ciyaari.(16)
لَو أَرَدنا أَن نَتَّخِذَ لَهوًا لَاتَّخَذنٰهُ مِن لَدُنّا إِن كُنّا فٰعِلينَ(17)
Haddaan Doono Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno.(17)
بَل نَقذِفُ بِالحَقِّ عَلَى البٰطِلِ فَيَدمَغُهُ فَإِذا هُوَ زاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الوَيلُ مِمّا تَصِفونَ(18)
Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan.(18)
وَلَهُ مَن فِى السَّمٰوٰتِ وَالأَرضِ ۚ وَمَن عِندَهُ لا يَستَكبِرونَ عَن عِبادَتِهِ وَلا يَستَحسِرونَ(19)
Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan.(19)
يُسَبِّحونَ الَّيلَ وَالنَّهارَ لا يَفتُرونَ(20)
wayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan.(20)
أَمِ اتَّخَذوا ءالِهَةً مِنَ الأَرضِ هُم يُنشِرونَ(21)
Mise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya.(21)
لَو كانَ فيهِما ءالِهَةٌ إِلَّا اللَّهُ لَفَسَدَتا ۚ فَسُبحٰنَ اللَّهِ رَبِّ العَرشِ عَمّا يَصِفونَ(22)
Hadday yihiin dhexdooda (Samada iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami.(22)
لا يُسـَٔلُ عَمّا يَفعَلُ وَهُم يُسـَٔلونَ(23)
Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan.(23)
أَمِ اتَّخَذوا مِن دونِهِ ءالِهَةً ۖ قُل هاتوا بُرهٰنَكُم ۖ هٰذا ذِكرُ مَن مَعِىَ وَذِكرُ مَن قَبلى ۗ بَل أَكثَرُهُم لا يَعلَمونَ الحَقَّ ۖ فَهُم مُعرِضونَ(24)
Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna, kana waa (quraanka) sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna ka Jeedsan.(24)
وَما أَرسَلنا مِن قَبلِكَ مِن رَسولٍ إِلّا نوحى إِلَيهِ أَنَّهُ لا إِلٰهَ إِلّا أَنا۠ فَاعبُدونِ(25)
Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda.(25)
وَقالُوا اتَّخَذَ الرَّحمٰنُ وَلَدًا ۗ سُبحٰنَهُ ۚ بَل عِبادٌ مُكرَمونَ(26)
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo.(26)
لا يَسبِقونَهُ بِالقَولِ وَهُم بِأَمرِهِ يَعمَلونَ(27)
kagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan.(27)
يَعلَمُ ما بَينَ أَيديهِم وَما خَلفَهُم وَلا يَشفَعونَ إِلّا لِمَنِ ارتَضىٰ وَهُم مِن خَشيَتِهِ مُشفِقونَ(28)
wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan.(28)
۞ وَمَن يَقُل مِنهُم إِنّى إِلٰهٌ مِن دونِهِ فَذٰلِكَ نَجزيهِ جَهَنَّمَ ۚ كَذٰلِكَ نَجزِى الظّٰلِمينَ(29)
ruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.(29)
أَوَلَم يَرَ الَّذينَ كَفَروا أَنَّ السَّمٰوٰتِ وَالأَرضَ كانَتا رَتقًا فَفَتَقنٰهُما ۖ وَجَعَلنا مِنَ الماءِ كُلَّ شَيءٍ حَىٍّ ۖ أَفَلا يُؤمِنونَ(30)
miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn.(30)
وَجَعَلنا فِى الأَرضِ رَوٰسِىَ أَن تَميدَ بِهِم وَجَعَلنا فيها فِجاجًا سُبُلًا لَعَلَّهُم يَهتَدونَ(31)
waxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku Toosaan.(31)
وَجَعَلنَا السَّماءَ سَقفًا مَحفوظًا ۖ وَهُم عَن ءايٰتِها مُعرِضونَ(32)
waxaana ka yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan.(32)
وَهُوَ الَّذى خَلَقَ الَّيلَ وَالنَّهارَ وَالشَّمسَ وَالقَمَرَ ۖ كُلٌّ فى فَلَكٍ يَسبَحونَ(33)
Eebe waa kan Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu Dhexdabbaalan.(33)
وَما جَعَلنا لِبَشَرٍ مِن قَبلِكَ الخُلدَ ۖ أَفَإِي۟ن مِتَّ فَهُمُ الخٰلِدونَ(34)
maanan yeelin Dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu).(34)
كُلُّ نَفسٍ ذائِقَةُ المَوتِ ۗ وَنَبلوكُم بِالشَّرِّ وَالخَيرِ فِتنَةً ۖ وَإِلَينا تُرجَعونَ(35)
Naf kastaa waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed, xagganagaana laydiin soo Celin.(35)
وَإِذا رَءاكَ الَّذينَ كَفَروا إِن يَتَّخِذونَكَ إِلّا هُزُوًا أَهٰذَا الَّذى يَذكُرُ ءالِهَتَكُم وَهُم بِذِكرِ الرَّحمٰنِ هُم كٰفِرونَ(36)
markay ku arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana.(36)
خُلِقَ الإِنسٰنُ مِن عَجَلٍ ۚ سَأُو۟ريكُم ءايٰتى فَلا تَستَعجِلونِ(37)
waxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina.(37)
وَيَقولونَ مَتىٰ هٰذَا الوَعدُ إِن كُنتُم صٰدِقينَ(38)
waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan.(38)
لَو يَعلَمُ الَّذينَ كَفَروا حينَ لا يَكُفّونَ عَن وُجوهِهِمُ النّارَ وَلا عَن ظُهورِهِم وَلا هُم يُنصَرونَ(39)
hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen).(39)
بَل تَأتيهِم بَغتَةً فَتَبهَتُهُم فَلا يَستَطيعونَ رَدَّها وَلا هُم يُنظَرونَ(40)
waxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo.(40)
وَلَقَدِ استُهزِئَ بِرُسُلٍ مِن قَبلِكَ فَحاقَ بِالَّذينَ سَخِروا مِنهُم ما كانوا بِهِ يَستَهزِءونَ(41)
waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen.(41)
قُل مَن يَكلَؤُكُم بِالَّيلِ وَالنَّهارِ مِنَ الرَّحمٰنِ ۗ بَل هُم عَن ذِكرِ رَبِّهِم مُعرِضونَ(42)
waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood.(42)
أَم لَهُم ءالِهَةٌ تَمنَعُهُم مِن دونِنا ۚ لا يَستَطيعونَ نَصرَ أَنفُسِهِم وَلا هُم مِنّا يُصحَبونَ(43)
ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan galiyo.(43)
بَل مَتَّعنا هٰؤُلاءِ وَءاباءَهُم حَتّىٰ طالَ عَلَيهِمُ العُمُرُ ۗ أَفَلا يَرَونَ أَنّا نَأتِى الأَرضَ نَنقُصُها مِن أَطرافِها ۚ أَفَهُمُ الغٰلِبونَ(44)
Saas ma aha cc waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag.(44)
قُل إِنَّما أُنذِرُكُم بِالوَحىِ ۚ وَلا يَسمَعُ الصُّمُّ الدُّعاءَ إِذا ما يُنذَرونَ(45)
Waxaad Dhahdaa waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa marka loo Digi.(45)
وَلَئِن مَسَّتهُم نَفحَةٌ مِن عَذابِ رَبِّكَ لَيَقولُنَّ يٰوَيلَنا إِنّا كُنّا ظٰلِمينَ(46)
Hadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka Eebahaa ah waxay Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah,.(46)
وَنَضَعُ المَوٰزينَ القِسطَ لِيَومِ القِيٰمَةِ فَلا تُظلَمُ نَفسٌ شَيـًٔا ۖ وَإِن كانَ مِثقالَ حَبَّةٍ مِن خَردَلٍ أَتَينا بِها ۗ وَكَفىٰ بِنا حٰسِبينَ(47)
Waxaannu u Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo Naf waxba, haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye.(47)
وَلَقَد ءاتَينا موسىٰ وَهٰرونَ الفُرقانَ وَضِياءً وَذِكرًا لِلمُتَّقينَ(48)
Dhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada.(48)
الَّذينَ يَخشَونَ رَبَّهُم بِالغَيبِ وَهُم مِنَ السّاعَةِ مُشفِقونَ(49)
Oo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan.(49)
وَهٰذا ذِكرٌ مُبارَكٌ أَنزَلنٰهُ ۚ أَفَأَنتُم لَهُ مُنكِرونَ(50)
Kan (Quraankuna) waa Quraan la Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga.(50)
۞ وَلَقَد ءاتَينا إِبرٰهيمَ رُشدَهُ مِن قَبلُ وَكُنّا بِهِ عٰلِمينَ(51)
Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn.(51)
إِذ قالَ لِأَبيهِ وَقَومِهِ ما هٰذِهِ التَّماثيلُ الَّتى أَنتُم لَها عٰكِفونَ(52)
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan).(52)
قالوا وَجَدنا ءاباءَنا لَها عٰبِدينَ(53)
waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi.(53)
قالَ لَقَد كُنتُم أَنتُم وَءاباؤُكُم فى ضَلٰلٍ مُبينٍ(54)
Wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad.(54)
قالوا أَجِئتَنا بِالحَقِّ أَم أَنتَ مِنَ اللّٰعِبينَ(55)
Waxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa Ciyaari.(55)
قالَ بَل رَبُّكُم رَبُّ السَّمٰوٰتِ وَالأَرضِ الَّذى فَطَرَهُنَّ وَأَنا۠ عَلىٰ ذٰلِكُم مِنَ الشّٰهِدينَ(56)
Wuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka Marag Kici.(56)
وَتَاللَّهِ لَأَكيدَنَّ أَصنٰمَكُم بَعدَ أَن تُوَلّوا مُدبِرينَ(57)
Eebaan ku Dhaartayc waan Dhagri Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi.(57)
فَجَعَلَهُم جُذٰذًا إِلّا كَبيرًا لَهُم لَعَلَّهُم إِلَيهِ يَرجِعونَ(58)
Wuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu).(58)
قالوا مَن فَعَلَ هٰذا بِـٔالِهَتِنا إِنَّهُ لَمِنَ الظّٰلِمينَ(59)
waxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi waa Daalime.(59)
قالوا سَمِعنا فَتًى يَذكُرُهُم يُقالُ لَهُ إِبرٰهيمُ(60)
Waxayna Dheheen Waxaan Maqallay Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim.(60)
قالوا فَأتوا بِهِ عَلىٰ أَعيُنِ النّاسِ لَعَلَّهُم يَشهَدونَ(61)
Waxay Dheheen keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan.(61)
قالوا ءَأَنتَ فَعَلتَ هٰذا بِـٔالِهَتِنا يٰإِبرٰهيمُ(62)
waxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow.(62)
قالَ بَل فَعَلَهُ كَبيرُهُم هٰذا فَسـَٔلوهُم إِن كانوا يَنطِقونَ(63)
Wuxuu Yidhi waxaa Fatay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya Iladday Hadli.(63)
فَرَجَعوا إِلىٰ أَنفُسِهِم فَقالوا إِنَّكُم أَنتُمُ الظّٰلِمونَ(64)
Markaasay u Noqdeen Naftooda waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina.(64)
ثُمَّ نُكِسوا عَلىٰ رُءوسِهِم لَقَد عَلِمتَ ما هٰؤُلاءِ يَنطِقونَ(65)
Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn.(65)
قالَ أَفَتَعبُدونَ مِن دونِ اللَّهِ ما لا يَنفَعُكُم شَيـًٔا وَلا يَضُرُّكُم(66)
Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn.(66)
أُفٍّ لَكُم وَلِما تَعبُدونَ مِن دونِ اللَّهِ ۖ أَفَلا تَعقِلونَ(67)
Ufbaa laydin Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn.(67)
قالوا حَرِّقوهُ وَانصُروا ءالِهَتَكُم إِن كُنتُم فٰعِلينَ(68)
Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad wax Falaysaan.(68)
قُلنا يٰنارُ كونى بَردًا وَسَلٰمًا عَلىٰ إِبرٰهيمَ(69)
Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo Nabadgalyi Ibraahim.(69)
وَأَرادوا بِهِ كَيدًا فَجَعَلنٰهُمُ الأَخسَرينَ(70)
Waxay la Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray.(70)
وَنَجَّينٰهُ وَلوطًا إِلَى الأَرضِ الَّتى بٰرَكنا فيها لِلعٰلَمينَ(71)
Waannu u Korinay (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam).(71)
وَوَهَبنا لَهُ إِسحٰقَ وَيَعقوبَ نافِلَةً ۖ وَكُلًّا جَعَلنا صٰلِحينَ(72)
Waxaan Siinay Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban.(72)
وَجَعَلنٰهُم أَئِمَّةً يَهدونَ بِأَمرِنا وَأَوحَينا إِلَيهِم فِعلَ الخَيرٰتِ وَإِقامَ الصَّلوٰةِ وَإيتاءَ الزَّكوٰةِ ۖ وَكانوا لَنا عٰبِدينَ(73)
Waxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga, waxaana u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada waxayna ahaayeen kuwo Na caabuda.(73)
وَلوطًا ءاتَينٰهُ حُكمًا وَعِلمًا وَنَجَّينٰهُ مِنَ القَريَةِ الَّتى كانَت تَعمَلُ الخَبٰئِثَ ۗ إِنَّهُم كانوا قَومَ سَوءٍ فٰسِقينَ(74)
(Nabi) Luudhna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina.(74)
وَأَدخَلنٰهُ فى رَحمَتِنا ۖ إِنَّهُ مِنَ الصّٰلِحينَ(75)
Waxaana Galinay Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban.(75)
وَنوحًا إِذ نادىٰ مِن قَبلُ فَاستَجَبنا لَهُ فَنَجَّينٰهُ وَأَهلَهُ مِنَ الكَربِ العَظيمِ(76)
(Nabi) Nuuxna waa Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo Ehelkiisaba Murugadii Waynayd.(76)
وَنَصَرنٰهُ مِنَ القَومِ الَّذينَ كَذَّبوا بِـٔايٰتِنا ۚ إِنَّهُم كانوا قَومَ سَوءٍ فَأَغرَقنٰهُم أَجمَعينَ(77)
Waana uga Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana Maanshaynay Dhammaantood.(77)
وَداوۥدَ وَسُلَيمٰنَ إِذ يَحكُمانِ فِى الحَرثِ إِذ نَفَشَت فيهِ غَنَمُ القَومِ وَكُنّا لِحُكمِهِم شٰهِدينَ(78)
Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka).(78)
فَفَهَّمنٰها سُلَيمٰنَ ۚ وَكُلًّا ءاتَينا حُكمًا وَعِلمًا ۚ وَسَخَّرنا مَعَ داوۥدَ الجِبالَ يُسَبِّحنَ وَالطَّيرَ ۚ وَكُنّا فٰعِلينَ(79)
Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo Shimbiraha, waana Fallaa «karraa».(79)
وَعَلَّمنٰهُ صَنعَةَ لَبوسٍ لَكُم لِتُحصِنَكُم مِن بَأسِكُم ۖ فَهَل أَنتُم شٰكِرونَ(80)
Waxaana Barray Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo Mahadin.(80)
وَلِسُلَيمٰنَ الرّيحَ عاصِفَةً تَجرى بِأَمرِهِ إِلَى الأَرضِ الَّتى بٰرَكنا فيها ۚ وَكُنّا بِكُلِّ شَيءٍ عٰلِمينَ(81)
Suleymaanna waxaan u Sakhirray Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og.(81)
وَمِنَ الشَّيٰطينِ مَن يَغوصونَ لَهُ وَيَعمَلونَ عَمَلًا دونَ ذٰلِكَ ۖ وَكُنّا لَهُم حٰفِظينَ(82)
Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna.(82)
۞ وَأَيّوبَ إِذ نادىٰ رَبَّهُ أَنّى مَسَّنِىَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرحَمُ الرّٰحِمينَ(83)
(Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane.(83)
فَاستَجَبنا لَهُ فَكَشَفنا ما بِهِ مِن ضُرٍّ ۖ وَءاتَينٰهُ أَهلَهُ وَمِثلَهُم مَعَهُم رَحمَةً مِن عِندِنا وَذِكرىٰ لِلعٰبِدينَ(84)
Waana Ajiibnay Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka.(84)
وَإِسمٰعيلَ وَإِدريسَ وَذَا الكِفلِ ۖ كُلٌّ مِنَ الصّٰبِرينَ(85)
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra.(85)
وَأَدخَلنٰهُم فى رَحمَتِنا ۖ إِنَّهُم مِنَ الصّٰلِحينَ(86)
Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid ahaayeen kuwa Suuban.(86)
وَذَا النّونِ إِذ ذَهَبَ مُغٰضِبًا فَظَنَّ أَن لَن نَقدِرَ عَلَيهِ فَنادىٰ فِى الظُّلُمٰتِ أَن لا إِلٰهَ إِلّا أَنتَ سُبحٰنَكَ إِنّى كُنتُ مِنَ الظّٰلِمينَ(87)
Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah.(87)
فَاستَجَبنا لَهُ وَنَجَّينٰهُ مِنَ الغَمِّ ۚ وَكَذٰلِكَ نُۨجِى المُؤمِنينَ(88)
Waana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta.(88)
وَزَكَرِيّا إِذ نادىٰ رَبَّهُ رَبِّ لا تَذَرنى فَردًا وَأَنتَ خَيرُ الوٰرِثينَ(89)
Zakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee».(89)
فَاستَجَبنا لَهُ وَوَهَبنا لَهُ يَحيىٰ وَأَصلَحنا لَهُ زَوجَهُ ۚ إِنَّهُم كانوا يُسٰرِعونَ فِى الخَيرٰتِ وَيَدعونَنا رَغَبًا وَرَهَبًا ۖ وَكانوا لَنا خٰشِعينَ(90)
Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca.(90)
وَالَّتى أَحصَنَت فَرجَها فَنَفَخنا فيها مِن روحِنا وَجَعَلنٰها وَابنَها ءايَةً لِلعٰلَمينَ(91)
Tiina (Xusuuso) Dhawrtay Xubinteedaa waa (maryama) oon ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda Caalamka.(91)
إِنَّ هٰذِهِ أُمَّتُكُم أُمَّةً وٰحِدَةً وَأَنا۠ رَبُّكُم فَاعبُدونِ(92)
Tani waa Diintiinii waana Diin kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda.(92)
وَتَقَطَّعوا أَمرَهُم بَينَهُم ۖ كُلٌّ إِلَينا رٰجِعونَ(93)
waxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin.(93)
فَمَن يَعمَل مِنَ الصّٰلِحٰتِ وَهُوَ مُؤمِنٌ فَلا كُفرانَ لِسَعيِهِ وَإِنّا لَهُ كٰتِبونَ(94)
Ruuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa.(94)
وَحَرٰمٌ عَلىٰ قَريَةٍ أَهلَكنٰها أَنَّهُم لا يَرجِعونَ(95)
Waxaa ka Reebban Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor».(95)
حَتّىٰ إِذا فُتِحَت يَأجوجُ وَمَأجوجُ وَهُم مِن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلونَ(96)
Inta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey ka soo Deg degi.(96)
وَاقتَرَبَ الوَعدُ الحَقُّ فَإِذا هِىَ شٰخِصَةٌ أَبصٰرُ الَّذينَ كَفَروا يٰوَيلَنا قَد كُنّا فى غَفلَةٍ مِن هٰذا بَل كُنّا ظٰلِمينَ(97)
Waxaa Dhawaaday Yaboohii Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan Waxaanse ahayn Daalimiin.(97)
إِنَّكُم وَما تَعبُدونَ مِن دونِ اللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُم لَها وٰرِدونَ(98)
Idinka iyo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku Arooraysaan.(98)
لَو كانَ هٰؤُلاءِ ءالِهَةً ما وَرَدوها ۖ وَكُلٌّ فيها خٰلِدونَ(99)
Hadday Yihiin kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari.(99)
لَهُم فيها زَفيرٌ وَهُم فيها لا يَسمَعونَ(100)
waxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan.(100)
إِنَّ الَّذينَ سَبَقَت لَهُم مِنَّا الحُسنىٰ أُولٰئِكَ عَنها مُبعَدونَ(101)
kuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda waa laga Fogayn.(101)
لا يَسمَعونَ حَسيسَها ۖ وَهُم فى مَا اشتَهَت أَنفُسُهُم خٰلِدونَ(102)
mana Maqlaan Shanqadteeda iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari.(102)
لا يَحزُنُهُمُ الفَزَعُ الأَكبَرُ وَتَتَلَقّىٰهُمُ المَلٰئِكَةُ هٰذا يَومُكُمُ الَّذى كُنتُم توعَدونَ(103)
mana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay.(103)
يَومَ نَطوِى السَّماءَ كَطَىِّ السِّجِلِّ لِلكُتُبِ ۚ كَما بَدَأنا أَوَّلَ خَلقٍ نُعيدُهُ ۚ وَعدًا عَلَينا ۚ إِنّا كُنّا فٰعِلينَ(104)
waana Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah, annagaana Falna saas.(104)
وَلَقَد كَتَبنا فِى الزَّبورِ مِن بَعدِ الذِّكرِ أَنَّ الأَرضَ يَرِثُها عِبادِىَ الصّٰلِحونَ(105)
Dhab ahaan waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban.(105)
إِنَّ فى هٰذا لَبَلٰغًا لِقَومٍ عٰبِدينَ(106)
kan Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe).(106)
وَما أَرسَلنٰكَ إِلّا رَحمَةً لِلعٰلَمينَ(107)
kumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee.(107)
قُل إِنَّما يوحىٰ إِلَىَّ أَنَّما إِلٰهُكُم إِلٰهٌ وٰحِدٌ ۖ فَهَل أَنتُم مُسلِمونَ(108)
Waxaad Dhahdaa waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan).(108)
فَإِن تَوَلَّوا فَقُل ءاذَنتُكُم عَلىٰ سَواءٍ ۖ وَإِن أَدرى أَقَريبٌ أَم بَعيدٌ ما توعَدونَ(109)
Haddayse Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin Yaboohay.(109)
إِنَّهُ يَعلَمُ الجَهرَ مِنَ القَولِ وَيَعلَمُ ما تَكتُمونَ(110)
Eebe wuxuu Ogyahay waxa lala Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan.(110)
وَإِن أَدرى لَعَلَّهُ فِتنَةٌ لَكُم وَمَتٰعٌ إِلىٰ حينٍ(111)
Mana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo.(111)
قٰلَ رَبِّ احكُم بِالحَقِّ ۗ وَرَبُّنَا الرَّحمٰنُ المُستَعانُ عَلىٰ ما تَصِفونَ(112)
Wuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto waxaad sheegaysaan.(112)