Al-Alaq( العلق)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ اقرَأ بِاسمِ رَبِّكَ الَّذى خَلَقَ(1)
Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).(1)
خَلَقَ الإِنسٰنَ مِن عَلَقٍ(2)
Dadkana ka abuuray Calaq.(2)
اقرَأ وَرَبُّكَ الأَكرَمُ(3)
Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.(3)
الَّذى عَلَّمَ بِالقَلَمِ(4)
Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.(4)
عَلَّمَ الإِنسٰنَ ما لَم يَعلَم(5)
Dadkana baray waxayna aqoonin.(5)
كَلّا إِنَّ الإِنسٰنَ لَيَطغىٰ(6)
Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen.(6)
أَن رَءاهُ استَغنىٰ(7)
Markuu isku ogaaday Hodontinnimo.(7)
إِنَّ إِلىٰ رَبِّكَ الرُّجعىٰ(8)
Eebaha xaggiisaase loo noqon.(8)
أَرَءَيتَ الَّذى يَنهىٰ(9)
Ka warrama midka ka reebaya.(9)
عَبدًا إِذا صَلّىٰ(10)
Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda.(10)
أَرَءَيتَ إِن كانَ عَلَى الهُدىٰ(11)
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga).(11)
أَو أَمَرَ بِالتَّقوىٰ(12)
Ama uu fari Eeba ka yaabid.(12)
أَرَءَيتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلّىٰ(13)
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe).(13)
أَلَم يَعلَم بِأَنَّ اللَّهَ يَرىٰ(14)
Miyuusan ogayn in Eebe arko.(14)
كَلّا لَئِن لَم يَنتَهِ لَنَسفَعًا بِالنّاصِيَةِ(15)
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda.(15)
ناصِيَةٍ كٰذِبَةٍ خاطِئَةٍ(16)
Food beenaleey ah ghafna badan.(16)
فَليَدعُ نادِيَهُ(17)
Ha u yeedho gargaarihiisa.(17)
سَنَدعُ الزَّبانِيَةَ(18)
Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane.(18)
كَلّا لا تُطِعهُ وَاسجُد وَاقتَرِب ۩(19)
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).(19)