Al-Adiyat( العاديات)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ وَالعٰدِيٰتِ ضَبحًا(1)
Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi.(1)
فَالمورِيٰتِ قَدحًا(2)
iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha).(2)
فَالمُغيرٰتِ صُبحًا(3)
Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii.(3)
فَأَثَرنَ بِهِ نَقعًا(4)
Ee Boodhka kiciya.(4)
فَوَسَطنَ بِهِ جَمعًا(5)
Cadawgana dhexgala.(5)
إِنَّ الإِنسٰنَ لِرَبِّهِ لَكَنودٌ(6)
Ee Dadku Eebohood waa diideen.(6)
وَإِنَّهُ عَلىٰ ذٰلِكَ لَشَهيدٌ(7)
Arrintaasna Dadku wuu ogyahay.(7)
وَإِنَّهُ لِحُبِّ الخَيرِ لَشَديدٌ(8)
Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay.(8)
۞ أَفَلا يَعلَمُ إِذا بُعثِرَ ما فِى القُبورِ(9)
Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.(9)
وَحُصِّلَ ما فِى الصُّدورِ(10)
Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.(10)
إِنَّ رَبَّهُم بِهِم يَومَئِذٍ لَخَبيرٌ(11)
In Eebohood Maalintaas ogyahay.(11)