Abasa( عبس)
Original,King Fahad Quran Complex(الأصلي,مجمع الملك فهد القرآن)
show/hide
Mahmud Muhammad Abduh(Mahmud Muhammad Abduh)
show/hide
بِسمِ اللَّهِ الرَّحمٰنِ الرَّحيمِ عَبَسَ وَتَوَلّىٰ(1)
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).(1)
أَن جاءَهُ الأَعمىٰ(2)
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa.(2)
وَما يُدريكَ لَعَلَّهُ يَزَّكّىٰ(3)
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.(3)
أَو يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ الذِّكرىٰ(4)
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.(4)
أَمّا مَنِ استَغنىٰ(5)
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).(5)
فَأَنتَ لَهُ تَصَدّىٰ(6)
Ma; Adaa u bambixi.(6)
وَما عَلَيكَ أَلّا يَزَّكّىٰ(7)
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.(7)
وَأَمّا مَن جاءَكَ يَسعىٰ(8)
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.(8)
وَهُوَ يَخشىٰ(9)
Oo Eeba ka yaabi.(9)
فَأَنتَ عَنهُ تَلَهّىٰ(10)
Miyaad ka shuqloomi.(10)
كَلّا إِنَّها تَذكِرَةٌ(11)
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.(11)
فَمَن شاءَ ذَكَرَهُ(12)
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.(12)
فى صُحُفٍ مُكَرَّمَةٍ(13)
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.(13)
مَرفوعَةٍ مُطَهَّرَةٍ(14)
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.(14)
بِأَيدى سَفَرَةٍ(15)
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta).(15)
كِرامٍ بَرَرَةٍ(16)
Sharafna leh oo baarri ah.(16)
قُتِلَ الإِنسٰنُ ما أَكفَرَهُ(17)
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.(17)
مِن أَىِّ شَيءٍ خَلَقَهُ(18)
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.(18)
مِن نُطفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ(19)
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.(19)
ثُمَّ السَّبيلَ يَسَّرَهُ(20)
Jidkana wuu u fudaydiyay.(20)
ثُمَّ أَماتَهُ فَأَقبَرَهُ(21)
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.(21)
ثُمَّ إِذا شاءَ أَنشَرَهُ(22)
Markuu doonana wuu soo bixin.(22)
كَلّا لَمّا يَقضِ ما أَمَرَهُ(23)
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.(23)
فَليَنظُرِ الإِنسٰنُ إِلىٰ طَعامِهِ(24)
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.(24)
أَنّا صَبَبنَا الماءَ صَبًّا(25)
Inaan Roob ku soo shubno.(25)
ثُمَّ شَقَقنَا الأَرضَ شَقًّا(26)
Dhulkana markaas aan jeexno.(26)
فَأَنبَتنا فيها حَبًّا(27)
Kana soo bixinno Midho.(27)
وَعِنَبًا وَقَضبًا(28)
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)(28)
وَزَيتونًا وَنَخلًا(29)
Iyo Zeytuun iyo Timir.(29)
وَحَدائِقَ غُلبًا(30)
Iyo Beerow waawayn.(30)
وَفٰكِهَةً وَأَبًّا(31)
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.(31)
مَتٰعًا لَكُم وَلِأَنعٰمِكُم(32)
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.(32)
فَإِذا جاءَتِ الصّاخَّةُ(33)
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).(33)
يَومَ يَفِرُّ المَرءُ مِن أَخيهِ(34)
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.(34)
وَأُمِّهِ وَأَبيهِ(35)
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.(35)
وَصٰحِبَتِهِ وَبَنيهِ(36)
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.(36)
لِكُلِّ امرِئٍ مِنهُم يَومَئِذٍ شَأنٌ يُغنيهِ(37)
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.(37)
وُجوهٌ يَومَئِذٍ مُسفِرَةٌ(38)
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).(38)
ضاحِكَةٌ مُستَبشِرَةٌ(39)
Wayna Qosli oy bishaaraysan.(39)
وَوُجوهٌ يَومَئِذٍ عَلَيها غَبَرَةٌ(40)
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.(40)
تَرهَقُها قَتَرَةٌ(41)
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).(41)
أُولٰئِكَ هُمُ الكَفَرَةُ الفَجَرَةُ(42)
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).(42)